4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Boqolaal Arday oo Tababbar Xirfadeed loogu soo Gaba-gabeeyay Baydhabo


Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa tababar socday muddo hal sano ah loogu soo gabgabeeyay 250-arday oo bartay xifado kala duwan, iyadoo tababarkan ay fulisay hay’adda NRC.

Xirfado ay barteen ardaydan ayaa waxay isugu jireen; tolidda dharka, koronnto-gelinta , sameynta mobiles-ka iyo farsamada alaabooyinka guryaha, waxaana ay isugu jireen ardayda gabadho iyo wiilal.

Madaxda hay’adda NRC ayaa ka hadlay xafladd, waxaana ka mid ahaa xubnhaaas Dr. Qaasim iyo Rashiid Cabdullaahi, iyagoo sharraxay howsha ay qabteen mudadii halka sano ahayd ee uu tababarku socday, iyagoo xusay inay arday cusub qaadan doonaan.

Ardayda tababarka xirfadeed loo soo gabagabeeyay ayaa waxay ahaayeen kuwo ay qoysaskoodu kasoo barakaceen deegaanno ka tirsan gobollada  Bay iyo Bakool, iyadoo tababarkan uu yahay mid lagu doonayo inay ku shaqeystaan si ay nolosha qoysaskooda u maareeyaan.

Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobol iyo ka degmada iyagoo uga mahadnaqay hay’adda NRC tababarka ay Baydhabo ku siisay ardayda isugu jira wiilasha iyo gabadha.

Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow oo goobta ka hadlay ayaa ka dalbaday ha’yadaha kale inay ku daydaan NRC, ayna gobolka ka fuliyaan howlo la mid ah kuwan. Iyadoo dhanka kale uu goobta ka hadlay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr.C/llaahi Xaaaji Xasan.

Ardayd dhameystay waxbarashada ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ku saabsan waxbarashadooda iyo qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen sida qalabka farsamada iyo harqaanno la siiyay gabdhaha tababarka dhameystay.






Hiiraan Online, Baydhabo