4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Diyaarada Qaad sidday oo Shil ku Gashay Garoonka Diyaaradaha Guriceel

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Diyaarad qaad sidday ayaa saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay ka baxday waddada ay diyaaraduhu ku cararaan.

Inkastoo burbur xooggan uusan gaarin diyaaradda, haddana waxaa jirta in dhaawac uu gaaray diyaaradda, kaasoo sababay inay duuli waydo, waxaana diyaaradda ay taallaa garoonka.

Guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise Taar-dhuleed ayaa sheegay inuu sabab u ahaa duuliyaha in diyaaraddu shil gasho, isagoo xusay in diyaaradda uu ka dajiyay meel ahayn halkii loogu talo-galay.

"Diyaarad jaad sidday oo Nairobi ka timid ayaa saaka shil ku gashay garoonka, waa diyaaradii subax walba imaan jirtay Guriceel, dhibaatada waxay ka timid duuliyaha oo meesha diyaarada ku degi lahayd meel aa aheyn ku dejiyay, taasoo sababtay in diyaaraddu ay ka baxdo dhabbaha,” ayuu yiri Taar-dhuleed.

Sidoo kale, guddoomiyaha Guriceel wuxuu sheegay in diyaaradda aysan burburin, balse uu gaaray dhaawac, ayna bad-qabaan duuliyihii diyaaradda, jaadkii si nabad ah looga dajiyay.

Taar-dhuleed ayaa intaas ku daray inaanay suuro-gal aheyn in diyaaraddu ay dib ugu laabto maanta magaalada Nairobi, isagoo xusay in shilkan uu yahay kii labaad oo ka dhaca garoonka diyaaradaha degmada Guriceel.

Diyaaradaha qaadka oo ay soo rartaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxay maalin walba kasoo dagaan garoomada diyaaradaha dalka, iyadoo ay dhowr jeer diyaarado qaad keenay dalka ay ku burburiyeen garoomada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya