4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Saraakiil Ciidan oo gaaray Balcad iyo Guddoomiyaha degmadaas oo Maqan

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Saraakiisha ciidanka dowladda Somalia ayaa xalay gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada gaar ah oo taageersan guddoomiyihii degmadaas oo ka baxaday degmada iyo ciidammo ka tirsan booliiska iyo nabadsugidda dowladda.

Xaaladda degmada Balcad ayaa saakay deggen, iyadoo saraakiisha ku sugan ay ka mid yihiin taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid), kan nabadsugidda Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in saraakiishan ay kormeero ku sameynayaan xaafadaha kala duwan ee degmada ay ka kooban tahay, iyagoo sidoo kalena ugu jira baadi-goob guddoomiyihii degmada Balcad oo amar lagu bixiyay in lasoo xiro.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in xaaladdu ay aad uga wanaagsan tahay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, balse ay jiraan weli ciidan ku sugan goobaha muhiimka ah ee degmada.

Saddex ka mid ah mas’uuliyiintii la shaqeynayay guddoomiyaha baxsadka ah ayaa gacanta lagu dhigay, iyadoo lagu sheegay in tani ay qayb ka tahay dadaalka ay ku doonayso dowladdu inay ku xasiliso degmada Balcad.

Cabdi Jiinoow Calasoow oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa u sheegay warbaahinta in maamulkii degmada Balcad oo dhan sharciga la horkeeni doono, maadaama ay abaabuleen dagaal lagu laayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Balcad ee baxsashada ku maqan ayaa isna sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray isaguna uu isaga baxay magaalada, isagoo eedeyn u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya