4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Qoxooti Soomaaliyeed oo dib loogu celiyay Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa qoxootigii ugu horreeyay oo ay tiradoodu ka badan tahay 280-qof dib ugu celisay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

War kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa lagu sheegay in howsha dib u celinta qaxootiga ay socotay seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Tiradii ugu dambeysay ee la qaaday ayaa waxaa lagu sheegay 170-qof oo 56 ka mid ah la geeyay saddexda xero ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, maamulka xerada Xagar-dheer iyo laanta qaxootiga u qaabilsan Kenya ayaa dadkaas kusoo dhaweeyay xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab.

Mid ka mid ah dadkii xeryaha qoxootiga Dhadhaab lagu celiyay oo lagu magacabo, Jibriil Ismaaciil Weyrax ayaa sheegay in la qabtay asigoo carruurtiisa iyo xaaskiisa la joogo, keligiisna la xiray, haddana reerkiisa uusan meel ku ogeyn, isagoo intaas ku daray in rabitaankiisa aan lagu geyn halkaas.

Sidoo kale, Mahdi Siyaad oo isna ka mid ah qoxootiga lagu celiyay Dhadhaab oo la hadlay warbaahinta ayaa isaguna sheegay in in afar bas ay ahaayeen markii laga soo qaadayay Nairobi, laguna soo dhaweeyay xerada Xagar-dheer.

Guddoomiyaha xerada Xagar-dheer, Xuseen Yuusuf Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa isna sheegay in roobabka xilligan da’aya ay dhaliyeen in qaar ka mid ah basaska ay dhiiqo galaan. Isagoo intaas ku daray in dadka qaar ay sheegayaan inay doonayaan inay u sii gudbaan Soomaaliya, halka qaarna ay qorsheynayaan inay sii joogaan xeryaha qoxootiga.

Dhanka kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in qoxootiga dib loo celiyay ay tiro ahaan gaarayaan 111-qof. Dadkan oo lagu qaaday basas, waxaa kexeysay ciidamo Kenyan ah, waxaana dhamaantood lagu qabtay howlgalka ka socdo Nairobi.

Bishii July ee sannadkii hore, maxkamadda sare ee Kenya ayaa diiday go’aan ay ku gaartay dowladda Kenya in qaxootiga magaalooyiinka jooga xeryaha qoxootiga ee dalkaas. Iyadoo maxkamaddu sheegtay dib u celinta qaxootiga inay carqalad ku tahay sharafta iyo xuriyadda dhaqdhaqaaqa, ayna keeneyso in si dadban loogu qasbo inay Soomaaliya ku laabtaan.

Ugu dambeyn, maxkamadda waxay tilmaamtay in dowladda aysan caddeynin in tallaabada dib u celinta ay kaalin ka qaadan karto in amniga la sugo iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya