4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Dagaal maanta ka dhacay Balcad iyo Guddoomiyhii Degmadaas oo baxsaday

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta waxaa mar kale ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo daacad u ah guddoomiyaha degmadaas iyo ciidammo booliiska iyo nabadsugidda ahaa oo ka tagay Muqdisho qorshahooduna ahaa inay soo qabtaan guddoomiyaha.

Dagaalka maanta ayaa daba-socday dagaal shalay degmadaas ka dhacya oo tiro ka mid ah ciidamada booliiska Soomaaliya lagu dilay, taasoo keentay in dowladdu ay ku bixiso amar in lasoo qabto guddoomiyaha degmada Balcad, Cismaan Xaadoole.

Ciidamadii booliiska iyo nabadsugidda ahaa ayaa la sheegay inay la wareegeen gabi ahaan degmada Balcad, iyadoo guddoomiyihii degmadaas iyo ciidamadii daacadda u ahaa ay ka baxsadeen degmada.

Si dhab ah looma oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in askari ka mid ah ciidamada dagaalamay uu dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow ayaa dagaalladan ku eedeeyay guddoomiyaha degmada Balcad, Cismaan Xaadoole oo lix bilood ka hor xilka laga qaaday, isagoo xusay in dagaalka uu ahaa mid qayb ka ah xilkii laga qaaday.

Tan iyo markii guddoomiyaha degmada Balcad xilka laga qaaday ayaa waxaa soo dhexgalay guddoomiyaha degmada iyo kan gobolka khilaaf xooggan, kaasoo salka ku hayay dhaqaalaha kasoo xerooda degmadaas, iyadoo dowladda Soomaaliyana aysan wax faragelin ah ku sameyn khilaafkaas.

Xaaladda degmada Balcad ayaa caawa daggan, iyadoo aan la ogeyn halka uu hadda ku sugan yahay guddoomiyaha degmada Balcad ee xilka laga qaaday, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo dowladdu ay isku daydo inay guddoomiyaha degmadaas tallaabo ka qaaddo.

Waxaa xusid mudan in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad oo ahaa mid culus ay ku dhinteen sagaal askari oo ka tirsanaa ciidamada booliiska Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo uu ka mid ahaa taliyaha qaybta booliiska ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya