9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Danjire Kay oo sheegay inay jiraan Caqabado Hor-taagan in doorasho dhacdo

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in tubta lagu gaarayo inay ka dhacdo Soomaaliya doorasho xor ah sannadka 2016-ka ay jiraan caqabado hor-taagan, isla markaana dowladda Somalia laga doonayo in xilligaas ka hor ay maareyso caqabdaha taagan.

“Jadwalka lagu gaarayo sannadka 2016 in doorasho dhacdo waa lagu guuleysan karaa, wax badan ayaa loo baahan yahay in la qabto xilligaas ka hor, waxaa jira saddex caqabadood oo kala ah: In la dhiso maamullo KMG ah oo federaalka qayb ka ah, In la caddeeyo dastuurka, gaar ahaan in la qeexo awoodaha dowladda iyo maamallada iyo sida loo qeybsanayo kheyraadka dalka iyo in la dameystiro jadwalka lagu gaarayo doorashada 2016-ka, qorshahan waa mid muhiim ah oo ay tahay inay wada-qaatan Soomaalida oodhan,“ ayuu yiri Kay.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa soo hadal qaaday is-qab-qabsiga siyaasdeed ee ka jira gobollada dalka qaarkood isagoo yiri: “Waxay ila tahay in is-qab-qabsiga siyaasadeed uu mar waliba khatar ku yahay hormarka Somalia. Baarlamaanka waxaa horyaalla 16 xeer oo ay ku jiraan kuwo wax looga qabnayo mashaakilka taagan; waxaan filayaa in baarlamaanka ay arrintan go’aan ka gaari doonaan oo aanay ku mashquuli doonin is-qab-qabsiga aad sheegtay.”

Ugu dambeyn, beesha caalamka ayuu baaq u jeediyay isagoo ku boorriyay inay taageeraan dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay in loo baahan yahay inay kordhiyaan kaalmada ay dowladda siiyaan.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo madaxda dowladda Somalia ay sheegeen in markala gaaro sannadka 2016-ka ay dalka gaarsiiyaan in laga qabto doorasho xor ah, si ay dadka Soomaaliyeed u soo doortaan hoggaankooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya