4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
GOODAX: Sannadkan waxaan qaban doonaa inta badan howlaha na horyaalla

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in sannadkani ay amba-qaadi doonto wasaaradda howlo badan oo horyaalla, isla markaana uu u noqon doono sannadkan mid ay qabtaan howlaha ugu badan ee horyaalla.

Goodax ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad ka dhacday xarunta ay sida KMG ah u daggan tahay wasaaradda, taasoo ahayd mid lagu guddoomayay agaasime waxeedyada wasaaradda gaadiid, isagoo intaad xusay in gaadiidkan aysan ahayn caawinaad dibadda uga timid, balse ay yihiin kuwo ku yimid wax-qabadka wasaaradda oo uu tibaaxay inay calaamad u tahay sida ay u u shaqeysay.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in isbedel dhab ay sameyn doonto wasaarada isla markaana ay lagama maarmaan tahay tayeynta shaqaalaha, isagoo hoosta ka xarriiqay inay qayb ka noqon doonto tartan horumarka iyo waxqabadka ah oo ay wasaaraddu kula jirto wasaaradaha kale ee xukuumadda.

Wasiirka ayaa kula dar-daarmay agaasimayaasha wasaaradda iyo shaqaalaha kale inay u guntadaan sidii howlaha shaqo ee wasaaradda loo horumarin lahaa, ayna ku shaqeeyaan hufnaan iyo karti dheeraad ah.

Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay madaxda dalku  sheegeen in sannadkan loo baahan yahay in howlaha uug badan la qabto, si dalka ay uga dhacaan doorashooyin xor ah marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya