4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Shirkadda daabacaadda Signjet oo Xarun ka furatay Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu daah furayay xarun cusub oo magaalada Beledweyne ay ka hergalisay shirkada daabacaada guud ee SIGNJET ayaa manta lagu qabtay xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Munaasabada waxaa ka qeyb-gallay bahda waxbarashada, ganacsato, iyo shaqsiyaad ka socday ururada bulshada sida dhalinyarrada oo siweyn u soo dhaweeyay furitaanka xarunta ay ka hergalisay shirkadda Signjet magaalada Beledweyne.

Maamulaha guud ee machadka SIGMA C/naasir C/llaahi Macalin  oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka qeyb-gashay munaasabada ayaa sheegay in ay baahi-weyn u qabaan bahda waxbarashada iyo guud ahaan bulshada gobolka in laga hergaliyo magaalada Beledweyne xaruntan oo kale ah, madaama sida uu hadalka u dhigay markii hore safaro dhaareer u galli jireen in ay hellaan daabacaad tayo leh.

“Waxaan ku dhiiri-galinayaa ganacsatada in ay maal-galliyaan xarumaha sidan oo kale hormarka sameynaya, waayo waxaan hubaa in ay qeyb ka qaadan karto xaruntan bilicda iyo waliba sare u qaadista ganacsiga iyo waxbarashada gaar ahaan sameynta ama daabacaada boorar tayo leh oo qurux badan,'' ayuu yiri C/naasir C/llaahi Macalin.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA:


Wuxuu u mahad-celiyay dhammaan dadkii lahaa fikirka ah inay xarunta shirkadda Signjet ka hir-galiyaan magaalada Beledweyne, isagoo sheegay in tallaabadan la qaaday ka baajin doonto ganacsatada iyo bahda waxbarashada safaro kharash badan kaga bixin jiray.

Madaxa guud ee shirkadda Signjet Eng Badal Sheekh Max'ed Kulmiye oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay faah faahin ka bixiyay howlaha ay qaban doonto xarunta, isaga oo sheegay in ay ka shaqeyn doonto dhamaanba daabacaada qeybaheed kala duwan.

“Waxaan sameyn doonaa ama xarunta laga heli doonaa boorar ganacsiga oo casri ah, kuwa waxbarashada, ID card-yada, Buugaag, Dharka sida Koofiyadaha Funaanadaha oo lagu buufinayo ama lagu daabacayo hadba astaantii loo baahdo, iyo guud ahaan daabacada oo idil,'' ayuu yiri Eng Badal.

Mid ka mid ah ganacsatadii ka hadashay munaasabada ayaa goobta kusoo bandhiga fure uu ka dhax muuqdo sawirkiisa, Lambarka telleefoonkiisa gacanta iyo magaciisa, isaga oo sheegay in haddii uu furahaasi ka lumo uu si sahlan markiiba u heli karo, isaga oo sheegay in uu arrintaa uga mahad celinayo shirkadda Signjet.

Max'ed Sheekh Cali oo ah madaxa xarunta Signjet ee gobolka Hiiraan oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in marka laga soo  tago howlaha kala duwan oo ay xaruntu u qaban doonto bulshada gobolka, sidoo kale ay shaqo abuur ka heli doonaan dhalinyarro badan oo ku dhaqan magaalada.

“Waad og-tihiin marka xarun noocan oo kale ah la hergaliyo furasadaha shaqo ee laga heli karo, marka waxaan leenahay ma'aha oo kaliya in ay daabacaad oo kaliya xarunta ku eg tahay ee waxaa ka faa'ideysan doona dhalinyarro faro badan oo shaqo la'aan ah,'' ayuu yiri Max'ed Sheekh Cali.

Ka hor inta  aan laga hergalin xarunta magaalada Beledweyne ganacsatada, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo u baahan in ay hesho daabacad tayo leh waxaa qasab ku aheyd in u u safraan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa ama Nairobi, laakiin waxaa muuqata in arrintaas meesha ka baxday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya