4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Col. Barre Hiiraale oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka kala dhexeeya Jubba

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa ka soo horjeestay dadaaladii dib u heshiisiinta ee uu ra'iisul wasaare C/weli Sheekh uu ka wado magaalada Kismaayo  isagoo ku goodiyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro maamulka Jubba ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Col. Hiiraale in magaalada Kismaayo uu ka jiro xasuuq, isla markaana dadka rayidka ah si joogto ah loogu dilo, taas inta ay jirtana aysan iyagu hubka dhigay oo ay dagaalka sii wadayaan.

"Inaan wada-hadal la galo maamulka la yiraahdo Jubba iska daaye, marna ma aqoonsan doonno, waxaan la geli doonaa dagaal," ayuu yiri Col. Hiiraale oo ku tilmaamay booqashada ra’iisul wasaaraha mid nasiib-darro ah.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiriL "Magaalada dadkeenii baa jooga qofkii la dilo, qofkii la dhaco, qofkii la kufsado dhammaan annaga ayay nala soo xiriiraan, dadka waa lagu tuntaa waana lagu laayaa Kismaayo."

Col. Hiiraale ayaa ku tilmaamay booqashada ra'iisul wasaare C/weli Sheekh inay tahay mid aysan filayn oo nasiib-darro ah, isagoo xusay inuu marti u noqday sida uu yiri koox dadka ku laysa Kismaayo.

"Waa nasiib-darro weyn safarka uu ra'iisul wasaaruhu ku tagay Kismaayo oo uu marti ugu noqday dhinac, isagoo dalka ka ah madax, anagana dagaalka waanu sii wadaynaa mana joojinayno illaa dadka reer Kismaayo xoriyad ka helaan," ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia uu wado dadaallo uu isugu keenayo dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo sannadkii hore iyo sidii loogu celin lahaa Kismaayo ciidamadii ku sugnaa duleedka magaaladaas.

Barre Hiiraale iyo saraakiil kale ayaa dagaal looga saaray sannadkii hore ee 2013 waxay Kismaayo kula galeen maamulka Axmed Madoobe, iyadoo illaa xilligaas ku jiran deegaanka Goob-weyn oo ku dhow Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya