4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Dowladda Imaaraadka oo Qalab ugu Deeqday Ciidamada Ammaanka Somalia


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Dowladda Imaaraadka carabta ayaa qalab kala gaddisan maanta ugu deeqday ciidamada ammaanka Soomaliya. Deeqdan oo isugu jirata, direyska ciidamada iyo gaadiid ayaa waxa danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Safiirka Imaaraaaka, Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii deeqdan lagu wareejiyay ayaa yiri: “Deeqdan waxay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraadku ugu jirto inay kaalin ka qadato nabad iyo xasillooni kusoo celinta Soomaaliya, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab.”

Sidoo kale, danjiraha ayaa yiri: “Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, taageeradaasoo dhinacyo kala duan lahaan doonta, ha ahaato mid amni, mid millatari, mid dhaqaale iyo mid hurumarneed.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay isaguna xafladda guddoonsiinta qalabka ayaa u mahad-celiyay Imaaraadka isagoo yiri: “Deeqdan ay dowladda aan walaalaha nahay  ugu deeqday ciidanka nabad-sugidda Qaranka waxay qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee dowladda Imaaradku la garab-taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaalia.”

Jen. Bashiir ayaa intaa raaciyay: ”Dowladda Imaaraadka ma ahan deeqdii ii ugu horreysay ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad-sugidda ee waxaa jira taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii lasoo dhaafay sida safiirkuba u sheegay, taasoo wax weyn ka tartay wax-qabadaka ciidammada ammaanka iyo tayeyntooda.”

Dowladda Imaaraadka ayaa kawadda Muqdisho iyo gobollada dalka, mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin: dhismaha isbitaallo, xarumo millatari, xarumo maamul iyo mashaariic bani’aadannimo oo kaalmo loogu fidinayo, dadkii kasoo barakacay gobollada dalka qaarkood iyo dadka ku waxyeellobay daadadka iyo dabeylaha ku dhiftay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya