4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Garaad Jaamac G. Ismaaciil oo Hargeysa lagu soo Dhaweeyay (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah madaxda dhaqanka gobolka Sool oo ay wehelinayaan wasiirka maaliyadda ee Maamulka Khaatumo iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey wada hadal uga socday dalka Jabuuti, ayaa ku heshiiyey in dalka gudihiisa ku dhameeyeen wixii khilaaf dhexdoodda yaallay.

Waftiga uu hogaaminayey Garaadka iyo labaddii wasiir ee wada hadalku u dhexeeyey  oo kala ahaa wasiirka Madaxtooyadda iyo wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaaladda

“Waxaanu wada soconay garaadka iyo ninkii u ahaa KHaatumo wasiirka Maaliyadda oo laba cisho wada joognay Jabuuti, isla markaana isla waafaqnay in aanu dalka wada nimaadno, waxay caan ku yihiin Somaliland dad jecel nabadda iyo wanaaga, waa dad jecel in aan la is juujuubin la is qasbin ee wax kasta wada hadal lagu dhameeyo”ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Xasan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


“Waxaan ka hadlayaa Puntland oo maalmahan hanjayey, dadku imika ma dhalan, Taariikhduna imika dhalan mayso, Somaliland waxay ahayd mid jirtay oo ku dhisan xuduudihii Ingiriiska, Soomaaliyana waxay ahayd mid talyaanigu haystay, markii la isku daray labadda dhinaca waxa la kala odhan jiray soomaaliya koonfur, Somaliland-na waqooyi, may khaldanayn”ayuu yidhi Xirsi oo u jawaabayey Puntland, waxaanu intaas ku daray “waxan leeyahay fidnidda ka daaya dagaal kuma degdegno laakiin nama mahadiyo ninkii dagaal noogu baaqaa, dadka reer soolna ee aad ka hadlaysaana waa dad reer Somaliland ah”.

Garaadka Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Somaliland, isla markaana uu yahay hogaamiye dhaqan oo tagi kara deegaanadda af soomaaliga lagaga hadlo.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay imaanshiiyaha aan ku soo noqday deegaankaygii, Anigu halkan marti kuma ihi, deegaankaygii baan imid oday dhaqameed baan ahay oo siyaasi ma ihi siyaasiyintu waa nimanka maamulada xilalka u haya, meel kasta oo soomaali joogto waanu tagaynaa oo meel madax dhaqameed ka xidhan tahay ma jirto, waana wada hadlaynaa waana wada tashanaynaa waana isku imanaynaa”ayuu yidhi Garaad Jaamac Ismaaciil oo ka hadlayey imaanshiyaha SOmaliland.

Soo dhoweynta garaadka waxa ka soo qaybgallay golaha guurtiddam, madax dhaqameedka Somaliland iyo masuuliyiin faro badan oo iskugu jira xildhibaano iyo xukuumadda dhexeba.

Waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Guurtidda, salaadiin iyo wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif oo dhamaantood hadalo soo dhoweyn ah halkaasi ka soo jeediyey.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaa ku faantay inay heshiis wada gaadheen garabyo kala duwan oo ka soo horjeeday,kuwaas oo ay ka mid yihiin hogaamiyihii SSC Saleebaan Xaglotoosiye, madax dhaqameedka koonfurta sanaag oo lix boqol oo askari ku soo wareejiyey dawladda iyo madaxweynihii Awdal sate oo iyana dhowaan wada hadal kadib dalka dib ugu soo noqday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland