4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Sucuudiga


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee boqortooyada Saudi Arabia u fariisanaya Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Sucuudi Carabiya, Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Waxaana goob-joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda, C/raxman Ducaale Bayleh.

“Sucuudiga waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Soomaaliya dhinacyada ammaanka, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska,” ayuu yiri dajiraha Sucuudiga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri: “Walaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayay oo sii xoojinaysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Soomaaliya oo shacabku aad baahi ugu qabay.”

“Boqortooyada Sacuudiga waxaan iska kaashanaynaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada. Wasiirkeenna gaashaandhigga baa dhawaan booqday Sacuudiga oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Danjiraha Sacuudi Carabiya ayaa dhammbaal uu ka siday boqorka Sacuudiga u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya. Dhambaalkaas oo ahaa in Sacuudigu sii xoojin doono xiriirka taaariikhiga ah ee labada dal.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo danjiraha Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada, kaasoo ay kaga hadleen xiriirka labada iyo kaalmada Sucuudigu siinayo Soomaaliya.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya