4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Ururka Ardaydii ka qalin-jabiyay Jaamacada Banaadir oo Hoggaan doortay


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Munaasabad uu xilka ku wareejinayay hoggaankii hore ee ururka ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadda Banaadir isla markaana lagu caleemo saarayay hoggaanka cusub ee ururkaas ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa munaasabaddaas kasoo qayb-galay mas’uuliyiinta Jaamacada Banaadir, qaar ka mid ah hormuudyada kuliyadaha iyo ardayda, aqoonyahanada horey uga qalin-jebiyay Jaamacadda ee ku mideysan ururkan qaarkood iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyihii hore ee ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxamed Isxaaq Cilmi oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in muddo sadex sano ah oo uu xilkaas hayay uuna ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo hoggaan cusub oo howsha ururka dar-dar-geliya.

“Ururkan qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir waxaa la aasaasay Abriil sannadkii 2011-kii, waxaana ku mideysan ardayda ka qelin-jebisa Jaamacadda Banaadir kuliyadaheeda kala duwan, ujeeddada loo aasaasay waxaa ka mid ah inuu xoojiyo xiriirka iyo iska warqabka ardayda ka baxday Jaamacada iyo inay ka tashadaan qaabka ugu haboon ee ay bulshada uga faa’ideyn lahaayeen aqoonta ay barteen,” ayuu yiri  Dr. Maxamed Isxaaq Cilmi oo xusay in ururkan fekerka lagu aasaasay ay wax ku lahayd jaamacadda,  hase ahaatee maamul ahaan uu ka madax-bannaan yahay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Maxamed Isxaaq ayaa ku dheeraaday waxqabadka ururka muddadii saddexda sano ahayd ee uu hayay xilka, isagoo xusay inuu sameeyey haykalkii uu ku shaqeyn lahaa ururka, lana dhisay guddi fulin iyo gole dhexe oo uu tilmaamay in hadda ururka uu leeyahay, kuwaasoo uu xusay inay ku shaqeeyaan xeerar loo sameeyey.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ururku uu xubin iyo wada-shaqeynba la leeyahay ururro caalami ah, isagoo tilmaamay inay howlo samafal oo lagu daweeyay kumannaan bukaan ka sameeyeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo deegaanka Labar 50 ee gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna hoggaanka cusub u rajeeyay inuu wax badan ka qaban doono horumarinta ururka.

Guddoomiyaha cusub ee Ururkan ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacada Banaadir, C/kariin Cibaar oo isna munaasabada khudbad ka jeediyey kaddib markii xilka ururkaas si buuxda loogu wareejiyay ayaa wuxuu u mahad-celiyay maamulkii ka horreeyey oo uu ku ammaanay inay qabteen shaqo wanaagsan ururkana ay soo gaarsiiyeen heerka uu maanta taagan yahay.

C/kariin Cibaar oo hadalkiisa sii wata ayaa ballan-qaaday inuu ku dadaali doono sidii uu wax badan uga qaban lahaa horumarinta ururka isagoo xubnaha ururka ka codsaday iney gacan ku siiyaan shaqadiisa, wuxuuna u mahad-celiyey Jaamacada Banaadir oo uu xusay inay mar kasta ururka la garab-taagan tahay taageero joogto ah oo dhinac walba leh.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa mamulkii hore ee ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir isagoo maamulka cusubna u rajeeyay inuu sii xoojiyo waxqabadka ururkaas wuxuuna ballan-qaaday in Jaamacada Banaadir ay mar walba diyaar u tahay inay ururka taageerto maadaama ay xubno ka yihiin ardaydii ka qelin jebisay.

“Waxaan ku baraarujinayaa aqoonyahannada ururkan inay ka qayb-qaataan howlaha loogu adeegayo bulshada; iyagoo ka faaiideysanaya aqoontooda, ayna ka qayb-qaataan cilmi baaristada kala duwan ee ay sameyso jaamacadda,” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas ka hadlay qaar ka mid ah arday xilligan ka qalin-jabisay Jaamacada Banaadir oo ay ka mid ahayd Inj. Farxiyo oo sheegtay inay ku faraxsan yihiin ka mid noqoshada ururka qalin-jebiyeyaasha Jaamacadda Banaadir, iyadoo ballan-qaaday inay la shaqeyn doonaan hoggaanka cusub ee ururkooda.

Hormuudka kuliyada caafimaadka ee Jaamacada Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday, guddoomiye ku-xigeenka mu’asasada Jaamacadda, Dr. C/risaaq Xasan Cali iyo xubno kale oo ka hadlay munaasabada ayaa iyana ku boorriyay aqoonyahannada xubnaha ka ah ururkan iyo hoggaankooda cusub inay la yimaadaan waxqabad iyo wada-shaqeyn dhab ah dantooda gaarka ah ka hormariyaan midda guud si horumar laga wada faaiideysto loo helo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya