4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Xalaad xooggan oo dhinaca biyo la’aanta ah oo ka Taagan War-Sheekh


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Hay'adda ICRC ayaa soo saartay warbixin ay ka hadashay xaaladda biyaha Somalia, waxayna warbixinta tilmaamaysaa in dhibaatada biyo la'aanta ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo qaylo-dhaan biyo la’aaneed ay ka imaanayso xilligan degmada War-sheekh ee gobolka Shabeellad dhexe.

Warbixin ay soo saartay ICRC ayay kaga hadashay marxaladda biyo la'aaneed ee ka jirta Soomaaliya iyo baahida loo qabo, waxayna hay'adda ka warrantay hawlo gargaar oo xagga biyaha ah oo ay Soomaaliya ka fulisay.

ICRC waxay sheegtay in abaaro soo noq-noqday, musiibooyinka fatahaadda, duufaanno iyo dagaalo dhacay ay waxyeelo weyn u geysteen ilihii biyaha ay dadka ka heli jireen, kuwaasoo qaarkood gurey, qaarkoodna duugmey, kuwa kalana wasaqoobay.

Sidoo kale, warbixintu sheegeysaa in illaa iyo 375,000 oo qof laga caawiyay in ay helaan biyo nadiif ah kaddib markii loo suray riigag biyaha soo dhufanaya, kuwaasoo loo qoday ceelal, loona dhisay baraago ay biyaha ku keydsadaan xilliyada ay roobabka da'aan.

Markii ay fataadaha ka dhaceen gobolka Shabeelada dhexe waxaa wasaqoobay, isla markaasina duugmey illaa 19-ceel, kuwaasoo 13 ka mid ah ay dib u habeyn ku samaysay hay'adda ICRC, sidoo kale gobolka Gedo abaaro ka dhacay waxay hay'adda biyo gaarsiisay dad gaaraya 42,000 oo qof, halka gobolladda Bari oo duufaano ay ka dhaceen baraago laga qoday iyo booyado biyo lagu geeyey ay ka faa'iideysteen dad gaaraya illaa 4,000 oo qof.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo nasiibku saaciday oo guryahooda ay ku rakiban yihiin tuubooyin ayaa markay rubuneetada furaan durbadiiba waxaa oga soo hoora biyo nadiif ah, iyagoo maalina aanan ku fakarin in ay jiraan dad baahidooda ugu weyn ee maalin kasta heysata ay tahay biyo la'aan.

Dadka ku nool tuulada Qeylo-weyne ee degmada Warsheekh halganka iyo har-jadka ay maalin kasta wajahaan waa sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah, waxaadna arki kartaa carruur iyo cinroole, rag iyo dumar dadkii ku noolaa tuuladaasi ay dhammaantood dhexda u soo xirtay helista biyaho nadiif ah.

Wadaamo ka lusha xarko dhaa-dheer ayaa loo dhaadhicinayaa ceelka kaliya ee tuuladaas ku yaalla, iyadoo biyaha ay joogaan meel aad u fog, waxaadna arki kartaan sida loogu xiiqsan yahay in wadaanta ceelka laga soo saaro.

“Wadaantu ma ahan mid qaad-weyn, waxayna kaliya soo xambaari kartaa biyo ka yar 10-liitar, iyadoo dadka oo kaliya aysan ahayn kuwa ay tahay in ay ku haraad baxaan, waxaa sidoo kale biyaha la siiyaa xoolaha noocyadooda kala duwan, gaar ahaan geela oo lagu yaqaano in uu noolaha ugu biyo-cab badan yahay,” ayaa lagu yiri warbixinta. 

ICRC ayaa intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ayaa ah tan mas'uuliyadda koowaad ka saaranyahay inay biyo ku filan u hesho dadka tuuladani iyo dabcan meelaha la midka ah ee dalka ku yaalla, waxayna dadku jeclaan lahaayeen inay marka hore dowladda ku dadaasho biyaha ka hor inta aanan shidaal iyo batrool laga hadlin soo saaristooda, kuwaasi oo aad oga fog meesha biyaha ay joogaan gunta dhulka.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka deegaankaas ku nool ay baahi weyn u qabaan masaajid ay ku cibaadeystaan iyo mandaraso carruurta ay wax ku bartaan, iyadoo hadda goobaha kaliya ee la heysto ay yihiin meelo la waabay oo aanan laga dugaashan karin dabeysha, dhaxanta, roobka iyo cad-ceedduba, waxayna dadka Soomaaliyeed ka codsayaan inay gacan ka geystaan hawlahani samafalka ku salaysan.

Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo)
[email protected]
Cape-town, Koonfur, Afrika