4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo Doortay Guddoomiye iyo ku Xigeenkiisa


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Xildhibaannada golaha deegaanka Gaalkacayo ayaa shalay si rasmi ah u doortay duqa degmada Gaalkacayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah C/casiis Maxamed Guuleed  (Nugaal) oo noqday duqa Gaalkacayo halka ku xigeenkiisana loo doortay, Yacquub Maxamed Cabdalla.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah golayaasha dowladda ayaa ka qayb-galay munaasabadda doorashada maamulka Gaalkacayo, taasoo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Xaawo Aadan.

Doorashada duqa degmada Gaalkacayo ayaa waxaa ku tartamayay saddex xubnood oo kala ah: C/llaahi C/weli Gabayre, Xasan Maxamed Khaliif iyo C/casiis Maxamed Guuleed  (Nugaal), wareeggii koowaad ee doorashada waxaa ku tartamayay gabi ahaan murashaxiinta, waxaana wareegga labad u gudbay musharax C/casiis Nugaal iyo Xasan Maxamed Khaliif. Wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada waxaa ku guulaystay C/casiis Nugaal oo halay 15-cod, halka Xasan Khaaliif uu helay 11-cod, iyadoo uu xumaaday hal cod.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRRADA:


Sidoo kale, ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa u tartamayay Yacquub Maxamed Cabdalla iyo Cabdi Cismaan Faarax “Ciiro” iyagoo kula kabxay codad dhan 19-cod oo uu helay Yacquub, halka Cabdi Cismaan uu helay 8-cod oo keliya, waxaana ku xigeenka duqa degmada Gaalkacayo ku guulaystay Yacquub Maxamed Cabdalla.

Markii ay doorashadu soo dhammaatay waxaa hambalyo isu diray mudanayaashii guulaystay iyo kuwii laga guulaystay oo u tartamayay hogaanka maamulka degmada Gaalkacayo .

Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo u diray mas’uuliyiinta kala duwan ee ku guulaystay hoggaaminta maamulka degmada iyo mas’uuliyadda Gaalkacayo oo ah xaurnta gobolka Mudug, wuxuuna u sheegay in laga sugyo fulinta ballan-qaadyadii ay sameeyeen.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta la doortay u sheegay in haddii ay fulin waayaan waxqabadka ay ballan-qaadeen ay wareejin doonaan mas’uuliyadda saaran, isla markaana loo dhiibi doono cid kale oo ka bixi karta.

Magaalada Gaalkacayo ayaa si rasmi ah u heshay gole deegaan oo dhamaystiran , kaddib sannado badan oo golaha deegaanka ee degmadu aanu shaqeyn, waxayna arrintani qayb ka tahay ballan-qaadyadii ay samaysay dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne C/weli Gaas.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Soomaaliya