4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
Xildhibaanno kala hadlay Madaxweynaha Kenya Dhibaagteynta Soomaalida


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta iyagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee lagu qab-qabto howlgallada ka socda Nairobi.

Mudane Yuusuf Xasan oo laga soo doorty xaafadda Kamakunji oo ay Islii ka tirsan tahay ayaa sheegay isagoo BBC-da u warramayay in madaxweynuhu uu ka aqbalay inaan la dhibaateyn Soomaalida lagu qabqabto howlgallada.

“Annagaa madaxweynaha ka codsannay inaan aragno, kaddib markii dhibaatooyin badan ay la kulmeen dadkii Soomaaliyeed ee howlgallada Nairobi lagu qab-qabtay, waxaana u sheegnay in dhibaato badan ay dhacday, innagoo ka dalbannay in haddii ujeeddadu tahay in lala dagaalammo argagaxisada ay noqoto mid sharciga dalka u degsan oo aan la dhibaateyn shacabka,” ayuu yiri xildhibaan Yuusuf Xasan.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu u sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu sugo ammaanka oo ay soo weerareen kooxo argagaxiso ah oo dalka khatar ku ah, balse aanay ujeedku uusan ahayn in la dhibaateeyo Soomaalida iyo dadka kale ee muslimka ah.

“Madaxweynuhu wuxuu nagu wargeliyay inaan la shaqeynno xukuumadda oo aan kawada tashanno sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda dadka, ololahanna uu u noqon lahaa mid fula oo waxqabta, balse aan waxba u dhimeyn shacabka. Marka waxaan ku heshiinnay in guddi la sameeyo kaasoo dowladda laamaheeda ka yimaada,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa intaas ku daray in kulanka madaxweynaha kaddib ay la kulmeen taliyaha ciidamada booliiska Kenya iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda, muddo laba saacadoodna ay kawada hadlayeen khaladaadyadii dhacay iyo dhibaatooyinkii loo geystay shacabka Soomaaliyeed.

“Saraakiisha iyo xildhibaannadu waxay ku heshiiyeen in la qaado tallaabooyin deg-deg ah si xiisadda loo qaboojiyo loona ilaalin lahaa xuquuqda dadkal, kuwa dhibka dalka kawadana loola dagaalami lahaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, Yuusuf wuxuu sheegay in xukuumadda Kenya ay ku adkeysanayso in qoxootiga ay dib ugu celinayso xeryaha, dadka aan sharciga lahaynna ay dib ugu celinayso dalalkoodii, inkastoo ay Soomaali u badan yihiin.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inay maalinta Talaadada ah ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta xukuumadda markaasna go’aan laga gaari doono xilliga la joojinayo howlgallada ka socda Islii, sidoo kalena loo wanaajin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaalida iyo xukuumadda Kenya.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo shalay ciidammo booliis ah oo fara badan la dhoobay masaajidda ku yaalla xaafadda Islii, taasoo keentay in dadku ay tukan waayaan salaaddii Jimcaha. Balse laga qaaday markii xildhibaannadu ay la hadleen saraakiisha booliiska, sida uu sheegay xildhibaan Yuusuf Xasan.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa sheegay in qof sharci aan lahayn aysan aqoonin si ay u difaacaan, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay raadsadaa meelo ay warqadaha aqoonsiga ka qaataan, haddii kalena ay adkaan doonto si loo difaaco.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya