4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 19, 2014
CABDI JIINOOW: Ciddii ka dambeysay dagaalkii Balcad Sharciga ayaa lala...

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow ayaa sheegay in ciddii ka dambeysay dagaalkii shalay ka dhacay Balcad la hor-keeni doono maalmaha soo socda sharciga.

Degmada Balcad ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidammo ka tirsan booliiska iyo kuwa milateriga Soomaaliya, iyadoo dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan sagaal askari oo booliis ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 15 askari oo kale.

“Ciddii ka dambeysay dagaalkii Balcad ka dhacay sharciga ayaa la horkeenayaa. Waxaa socda kulan ay arrintan ka leeyihiin guddiga ammaanka Qaranka, waxaana laga soo saari doonaa amar cad,” ayuu yiri Cabdi Jiinoow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuusan si rasmi ah u ogeyn halka uu salka ku hayo dagaalka, balse uu filayo inuu la xiriiro xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Balcad, Cismaan Xaadoole.

“Waxay ila tahay in dagaalka uu salka ku hayo amar diiddo uu horay u sameeyay guddoomiyaha degmada Balcad oo xilka laga qaaday, balse waxaa dhici doonta maalmaha soo socda in maxkamad la horkeeno cid walba oo dagaalkaas ku lug leh,” ayuu hadalkiisa raacliyay Xaadoole.

Cabdi Jiinoow ayaa xilka la qaaday guddoomiyaha degmada Balcad Xaadoole lix bilood ka hor, isagoo diiday inuu xilka wareejiyo, taasoo keentay in khliaaf aad u xooggan uu soo dhexgalo labada dhinac.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu xumaa ee ka dhaca degmadaas muddo sannado ah, iyadoo dhawaacyadii ka dhashay dagaalka loo qaaday dhinaca degmada Jowhar.

Xaaladda degmada Balcad ayaa saakay daggan, iyadoo cidamadii booliiska ahaa ee ka badbaaday dagaalka ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka ambabaxeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya