4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Shirkada Xawaalada Dahab-shiil iyo Barclays Bank oo heshiis kala saxiixday


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) —Barclays Bank oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa la saxiixday heshiis xawaaladda Dahab-shiil, taasoo uu u ogolaaday inay xisaabaadka uga sii furnaadaan illaa ay bangi kale ka helayso.

Tallaabada ayaa ka hor-tagaysa in la joojiyo lacagaha ay xawaaladaha sii mariyaan bangigan, taasoo ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof oo ku nool gudaha Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Shirkadda Dahab-shiil oo ka mid ah shirkadaha xawaaladaha Somalia laga leeyahay ayaa sheegtay in heshiiska ay la saxiixdeen Barclays Bank uu yahay mid wanaagsan oo la aqbali karo.

"Heshiiskan waxaa qayb ka ah in xilli kooban ay Dahab-shiil ay kusoo af-jareyso xiriirka ay la leedahay bangiga iyo inaan raadinno qorshayaal kale,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay shirkadda Dahab-shiil. Waxayna intaa ku dartay inay isku dayayaan inay ka fogaadaan bur-bur kastaa oo ku imaan karo shaqadooda.

Barclays Bank ayaa isku dayay inuu xiro xisaabaadka xawaaladda Dahab-shiil iyo kuwa kale ee Soomaalidu lacagaha ku dirsadaan bishii July ee sannadkii hore 2013-dii, iyadoo bangigu uu arintaasi sabab uga dhigay walaac uu ka qabo in lacagta la diro ay gacanta u gasho dad iyo kooxo halis ah.

Dhowr jeer ayaa dib loo dhigay in Barclays Bank uu xiro xisaabaabka xawaaladaha Soomaalida oo illaa iyo hadda furan. Shirkadaha xawaaladaha oo dacwad geeyay maxkamad ayaa ku guuleystay inaan la xirin xisaabaadkooda.

Dad badan oo Soomaaliyeed ah oo ku nool dalalka dibadda ayaa sannad kasta u dira Soomaaliya lacago fara badan oo ay sii marsiiyaan xawaaladaha, kuwaasoo ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof oo oo ku nool gudaha Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah sida Kenya iyo Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya