4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Ciidammo Booliis iyo Milateri ah oo maanta ku dagalaamay Degmada Balcad

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ciidammo ka kala tirsan booliiska iyo milateriga Soomaaliya maanta ku dhex-maray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe oo 30-km kaga beegan Muqdisho dhinaca Waqooyi.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada booliiska ah oo ku socday degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ay isku dhaceen ciidanka milateriga ah oo ku sugnaa buundada degmada Balcad, halkaasna uu ka dhacay dagaal aad u culus.

“Booliis iyo milateri ayaa maanta ku dagaalamay degmada Balcad, dagaalkaasna wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac, askarta dhaawacantayna waxaa ku jira taliyihii qaybta booliiska Shabeellada dhexe,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada dhexe, Daa’uud Xaaji Ciiro oo warbaahinta la hadlay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidammo badan oo ka tirsan booliiska ay ku carareen howdka markii uu dagaalku cuslaaday, waxaase la arkay buu yiri askar ka mid ah kuwa dhaawacmay, khasaaraha weli faahfaahin rasmi ah lagama hayo.

Wararka laga helayo degmada Balcad ayaa sheegaya in mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidanka booliiska la gubay, dhowr kalena laga qabsaday, iyadoo ciidamadii booliiska ahaa ay ugu dambeyn kala carareen.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay in ciidamada booliiska iyo kuwa milateriga ah ay ku dagaalamaan Balcad, ayaa haddana waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyay guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow iyo guddoomiyaha degmada Balcad, Cismaan Xaadoole.

Khilaafkan ayaa sababay inay kala go’aan degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo aysan isku marin mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmooyinka, iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe marka uu soo aadayo Muqdisho uu ka leexdo degmada Balcad.

Talisyada milateriga iyo booliiska Somalia weli kama aysan hadlin iska-horimaadka maanta degmada Balcad ku dhexmaray ciidamada kawad tirsan dowladda Somalia, iyadoo wararku ay sheegayaan in degmada Balcad ay weli xiisad ka jirto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya