4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Wafdigii Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta ku soo laabtay Muqdisho


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahan safar ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa dib ugu soo laabtay gellinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Jeeylaani Nuur Iikar, xildhibaanno, saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada.

Mudane Jawaari oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayuu kaga war-bixiyay safarkii isaga iyo wafdigiisa ay ku tageen Talyaaniga, isagoo xusay inuu kusoo dhammaaday guul, isla markaana dhawaan ay si rasmi ah u howl bilaabi doonaan guddiyo labada baarlamaan ka kala socda, kuwaasoo ka wada-shaqeyn doonta fulinta qodobbadii labada guddoon ay ku ballameen.

Socdaalka wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ay ku tageen Talyaaniga oo shan maalmood qaatay ayaa waxay kula soo kulmeen hoggaanka ugu sarreeya labada aqal ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Talyaaniga iyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.







Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya