4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Waxgaradka Gobollada Galbeedka Somaliland oo Aqoon Kororsi loo Furmay

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Maxamed Warancadde ayaa Boorama ka furay kulan lagaga hadlayo sidii amniga dalka wada jir looga ilaalin lahaa, taas oo ay ka soo qaybgaleen laba boqol oo madax dhaqameed oo ka kala yimid goboladda Hargeysa,  Awdal iyo Selel.

Shirkan madax dhaqameedka goboladda Galbeedka uga furmay hoteel Hal door ee magaaladda Boorame ayaa lagaga hadlayey adkeynta amniga iyo xasiloonidda dalka, isla markaana lagaga hortagayey fal kasta oo waxyeeli karta amniga goboladda galbeedka.

“Waxaa maanta halkan inooga bilaabanaya aqoon is weydaarsi ku saabsan  adkaynta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaanna gobolada Awdal, Selel iyo Hargeysa. Amnigu waxa uu ka mid noqday nolosheenna, waxaanan halkan ama Boorama uga bilownay waxa weeye iyadoo nabadii   iyo dawladii labaatanka sano ka hor lagu dhisay weli lugaheedii ku taagantahay. Hogaamiye dhaqameedyadu waxay u dhexeeyaan dawladda iyo dadweynaha, waxayna xalliyaan bulshada ay metelaan wixii soo kala dhex gala”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlayey aqoon korodhsigaasi.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa kaloo ka hadlaynaa sidii looga hortegi lahaa wax kastoo nabaddaasi inaga caqrqaladayn  kara ama si lama filaan ah u dhaawici kara"

“Qodobka 44-aad cutubkiisa tobnaad wuxuu leeyahay ninka Ciidanka Amaanka ah ee loo diro inuu fuliyo arin ku qotonta sharci, oo kasoo baxdey Garsoor ama Howlaha ay Madax-dhaqameedyadu u igman yihiin cida kala hor timaada hub wax dili kara, wax alla wixii qofkaa soo gaadha naf iyo maal dhibaato soo gaadha iyo wixii Bulshada kale ee u dhow soo gaadha waxa ka masuul ah qofkaa hubka qaatey ee sharciga ka hor yimid, ee ciidanka amaanka ka hor yimid cid u doodi kartaana majirto, waa dameer bakhtiyay wax alla wax magdhow ah oo uu leeyahey majirto”ayuu yidhi Waran-cadde oo ka digayey in aan laga hor iman Karin ciidanka Amniga ee hawlgaladda fulinaya.

Barasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo isagu marti galiyey shirkan ayaa madax dhaqameedka u soo jeediyey dardaar iyo wacyigelin ah inay madax dhaqameedku la shaqeeyaan dawladda.

Sidoo kale, kulan waxa ka soo qaybgalay badhasaabyadda goboladda galbeedka oo soo xulayey madax dhaqameedka ka qaybgalayey shirkan lagaga hadlayey xoojinta nabadda iyo ka hor tagidda wixii amniga waxyeelaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland