4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Munaasabad sagootin ah oo Kismaayo loogu sameeyay Ra'iisul Wasaaraha


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay ayna ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay xaruntii hore ee caymiska, iyadoo munaasabaddan ay ahayd sagootin loo sameynayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa safiirro ka socday qaar ka mid ah dalalka dariska ah, wakiilka ururka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey, madax ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya iyo marti kale oo la casuumay.

Xafladda intii ay socotay ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay salaaddiin iyo wax-garad kale, waxayna dhammaantood si isku mid ah u soo dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee ra'iisul wasaare, C/weli Sheekh uu ka wado Kismaayo, iyagoo ku tilmaamay ra'iisul wasaaruhu uu yahay mas’uul si wanaasana u gudanaya waajibaadkiisa.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Max'ed Cabdi Afeey, wuxuuna ugu hambalyeeyay dowladda Somalia dadaallada nabadeed ee ay ka wado Jubbooyinka, isagoo kula dar-daarmay bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan madaxda si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Mas’uulkan ayaa xusay in IGAD iyo beesha caalamku ay taageersan yihiin dadaalka nabadeed ee ka socda Jubbooyinka, wuxuuna digniin u diray siyaasiyiinta gobollada Jubooyinka kasoo jeeda, isagoo intaas ku daray in tallaabo cad laga qaadi doono isla markaana loo aqoonsan doono nabad-diid ciddii ka hor timaada hannaanka nabadeed ee Jubbooyinka.

Madaxweynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa amaanay dadaallada ra'iisul wasaaruhu ka wado Kismaayo, wuxuuna xusay inay sii socon doonaan gogosha nabadeed ee uu ra'iisul wasaaruhu ka furay Kismaayo, isagoo sheegay inuu jiro guddi uu dhisay ra'iisul wasaaraha kaasoo sii wadi doona arrimaha dib u heshiisiinta.

Gaba-gabadii waxaa madasha khudbad kuso oxiray ra'isul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, wuxuuna aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay nabaddu u leedahay bulshada, isagoo kula dardaarmay guud ahaan shacbka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarinta dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya