4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo Xilka la Wareegay (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Munaasabad ay xilalka uu kula wareegay mas'uuliyiinta cusub ee loo soo magacabay gobolka Hiiraan iyo maamulkii hore ayaa maanta lagu qabtay xerada AMISOM ee dulleedka magaalada Beledweyne.

Munaasabada xil wareegjinta waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahaa agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka Cali Abtidoon Xalane iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, munaasabada waxaa joogay saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM oo goob joog u ahaa habka ay xil wareejinta u dhaceyso.

Agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane oo hadal ka jeediyay madasha xil wareejinta ayaa sheegay in kadib markii la ogaaday in waqtigii maamulkii hore uu dhamaaday madaxweynuhu go'aan ku gaaray in la magacaabo sida uu hadalka u dhigay maamul cusub oo kusima shirweyne bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku soo dooranayaan maamulka ay iyagu doonayaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Waxaa uu ku amaanay agaasimaha bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan sida ay mar walba dowladda u bar bar taagan yihiin isaga oo sheegay dowladda federaalka si dhaw ula socto doonto guud ahaan siyaasada gobolka.

Munaasabada waxaa sidoo kale ka hadllay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay xil wareejinta maanta  oo waliba sida uu hadalka u dhigay uu mar kale ku wareejinayo guddoomiyaha cusub oo horay uu xilka ugala wareegay.

“Waan u mahad celinayaa cid kasta oo ku fikirtay in ay naga dul-qaato anniga iyo mas'uuliyiintii ila shaqeysay culeyska mudadii sanadka ah na dul-saarnaa, wax badan waa ay inoo qabsoomeen in badan oo kalana waa ay dhiman yihin, waxaana ka rajenyanaa maamulka cusub in ay dhameystiri doonaan howlaha dhiman'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo madasha ka hadllay ayaa sheegay in tallaabada ugu horeysay ee uu maamulkiisu qaadi doono tahay siddii gobolka looga saari lahaa Al-shabaab, isaga oo ugu baaqay dhalinyarrada Al-shabaab ka tirsan in ay ka faa'ideystaan fursada iskuna soo dhiibaan maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan.

“Waxaa leenahay wali fursad ayaan heystaan dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab, qorshaha maamulka aan hogaaminayo waa in culeyska laga dul-qaado deegaannada wali ku sii harsan gacanta Al-shabaab, ''ayuuyiri guddoomiyaha cusub.

Waxaa uu sheegay in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan qeybaha bulshada gobolka, gaar ahaan odayaasha oo uu sheegay in maamulkiisu ku dhisnaan doono talladooda, waxaana uu intaa ku darray in ixtiraam gaar ah siinaan doonaan odayaasha dhaqanka.

Waxaa  sidoo kale, iyagana xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay degmada Beledweyne iyo ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhinaca siyaasada.

Dhamaan mas'uuliyiinta la soo magacaabay ayaa lagu dhaariyay madasha xil wareejinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya