4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Ciidammo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya oo la geynayo dalka Koonfurta Sudan


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in ciidammo ka socda shan dal oo IGAD ka tirsan oo ay ku jirto Soomaaliya loo dirayo dalka Koonfurta Suudaan si ay gacan u siiyaan xukuumadda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Haile Mariam Desalegn oo hadda ah shir gudoonka IGAD ayaa sheegay in ururku diyaariyay ciidammo ka kala socda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, kuwaasoo bishan Abriil iyo bisha May ee soo socta la geyn doono dalka Koonfurta Suudaan.

“Ciidamadan waa kuwo nabad ilaalin ah oo caawin doonaan dawladda Koofurta Suudaan oo bilihii ugu dambeeyay wajahaysay dagaal ay mucaaradkeeda kusoo qaadayeen,” ayuu yiri Desalegn.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anatolia oo soo xiganaysa ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegtay in madaxda urur-goboleedka IGAD ay isku raacsan yihiin in ciidammo nabad illaalin ah loo diro Koonfurta Suudaan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo markii 22-sano tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo la sheego in ciidammo Soomaali ah ay nabad ilaalin ahaan u tagayaan dal ka mid ah kuwa Afrika.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Somalia ay ku sugan yihiin ciidammo ka socda lix waddan oo Afrikaan ah oo kala shaqeynaya dowladda Soomaaliya sidii ay dalka u nabadeyn lahayd.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin tallaabdan ay IGAD ku doonayso in ciidammo ka tirsan kuwa Soomaaliya la geeyo dalka Koonfurta Suudaan si ay u caawiyaan dowladda dalkaas oo dagaal kula jirta mucaarad hubeysan.

Koonfurta Suudaan laba sano ka hor ka go’day dalka Suudaan ayaa waxaa bishii December ee sannadkii hore waxaa ka billowday dagaallo u dhexeeya mucaarad uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar iyo dowladda dalkaas ee uu hoggaaminayo Salva Kiir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya