4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Madaxweynaha Khaatumo State oo ka hadlay Qabsashadii Degmada Taleex

Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac (Indho-sheel) ayaa ka hadlay markii ugu horreysay qabsashadii ciidamada Somaliland ay qabsadeen toddobaadkan degmada Taleex ee gobolka Sool ahayd xarunta maamulkiisa.

Indho-sheel ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ujeeddadiisu ay ahayd in lagu carqaladeeyo shirweynaha maamulka Khaatumo oo la doonayo in dhawaan lagu qabto degmada Taleex.

“Weerarkaas wax dhibaato ah kuma keenayo shirka, wuxuuna u qabsoomayaa sidii loogu talogalay. Qabsashaduna carqalad ayay ahayd,” ayuu yiri Indho-sheel oo aan sheegin xilliga uu shirku qabsoomayo.

Ciidamada Somaliland ayaa toddobaadkan gudihiisa qabsaday degmada Taleex oo maalin kaddib ay isaga baxeen, iyagoo sheegay in Taleex ay ka mid tahay deegaannada hoos-yimaada Somaliland.

Ka bixitaanka ciidamadii Somaliland kaddib ayaa waxaa degmadaas ku laabtay ciidamadii maamulka Khaatumo oo isaga baxay iska-hor-imaad kooban kaddib, iyadoo Somaliland aysan weli ka hadlin ka bixitaankeeda Taleex.

“Dowladda Soomaaliya wax gacan ah kama helo maamulka Khaatumo, sababta loogu duulay Taleexna waa sidii shacabka loo leyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Indho-sheel oo wareysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa hoosta ka xariiray in ay tallaabo cawaaqib xumo ah la kulmi doono maamulkii isku dayda inay mar kale weeraraan degmada Taleex.

Maamulka Khaatumo ayaa wuxuu kasoo horjeedaa gooni-isu-taagga  Somaliland oo 20-sano ka hor sheegtay inay ka go’day Somalia inteeda kale, inkastoo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya