4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 18, 2014
Maxkamad ku Taalla Jarmalka oo Xabsi Dheer ku Ridday Ruux Soomaali ah


Jimco, Abriil 18, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa xukun 12-sano ah ku ridday 44-jir u dhashay Soomaaliya ,waxaana lagu helay danbi ah inuu hogaaminayay koox burcad badeed ah oo sanadkii 2010-kii afduubtay markabka Marida Marguerite oo marayay meel aan wax ka fogayn xeebaha Cuman.

Markabkan iyo shaqaalihii saarnaa oo gaarayay 22-ruux ayaa la sii daayay bishii Decembar ee isla sanadkaa ka dib markii laga dhiibay lacag madax furasho ah oo gaaraysay $5.5 million, iyadoo markabkan uu ahaa nooca kiimikada qaada.

"Kaddib daba-gal dheer oo socday muddo afar bilood maxkamadda waxaa ay soo heshay cadaymaha ah inuu ku jiray dadkii wax ka hogaaminayay weerarkaas," ayaa lagu yiri war-ka soo baxay maxkamaddan oo ku taalla magaalada Osnabrück.

Waxaa qareenada maxkamaddu ay sheegeen in shaqaalaha markabka oo u badnaa Hindi la jirdilay ,iyadoo qaar kalena ay ku sigteen in nafta gabi-ahaanba la dhaafiyo sida lagu xusay cadaymaha ay maxkamaddu heshay.

"Sida aan ognahay shakhsiga waxaa uu wax ka helay lacagtii madax furashada ahayd ,waxana la xiray bishii May ee sannadkii 2013-ka, xilli uu iska soo dhiibay xero qaxooti oo ku taalla magaalada Giessen'ayaa mar kale lagu daray qoraalka ay soo saartay maxkamadda .

"Waxaa farihiisa laga dhex helay markabka gudihiisa markii la baaray iyo waliba alaabihii kale ee ay uga tageen goobta "ayaa mar kale lagu xusay, iyadoo xukunka uusan ahayn kii ugu horeeyay oo burcad badeed Soomaliyeed lagu fuliyo.

Ugu danbayntii shakhsigan la xukumay oo aan magaciisa la shaacin  ayaa iska diiday qaar kamid ah eedaymaha loo soo jeediyay, balse waxaa uu qirtay inuu ku jiray ragga afduubka fuliyay ,waxaana xukunka ka horeeyay mid sanadkii 2012-kii lagu riday 10-kamid ah burcad badeedda Soomaalida oo xukunno kala duwan oo xarig ah lagu xukumay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]