4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo oo uu ku Sugan yahay Ra'iisul Wasaaraha
Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Ra'isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Max'ed oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa wada dadaallo oo uu ku doonayo in uu ku heshiisiiyo beelaha wada dega Jubooyinka.

Ra'isul wasaaraha ayaa mudadii uu halkan joogay wuxuu ku guuleystay in uu shirar kala duwan la qaato odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, isagoo kala hadlay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadda deegaanada Jubooyinka.

Ra'isul wasaaraha ayaa sidoo kale maamulka Jubba kala hadlay arinta soo xareynta ciidamada ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ee uu hogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), kuwaasoo qaar kamid ah lasoo xareeyay halka COL Barre Hiiraale iyo ciidamo kale oo wehlinaya ay ka biyo diideen habka ra'isul wasaare C/weli uu doonayo in ay usoo xaroodaan.

Maanta ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kasoo dagay wafdi ka yimid magaalada Muqdisho oo ka kooban saraakiil ciidan, salaadiin, odoyaal dhaqameed iyo siyaasiyiin, waxaana wafdigan ay u yimaadeen xoojinta arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka.

Wafdigan ayaa waxa hogaaminayay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Khaliif Ileey, waxaana kamid ahaa Suldaan Bashiir Madoobe Yaroow, Col Warfaa Sheekh Aadan, Odoyaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kale.

Imaatinka wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada nabadeed ee ra'isul wasaare C/weli uu ka wado Kismaayo, waxaana la filayaa in ay ka qeybqaataan arinta soo xareynta cidamada uu hogaaminayo COL Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Kismaayo, iyadoo sidoo kale la rajeynayo in ay qeyb ka noqdaan shirweeyne dib u heshiisiineed oo la isugu keeni doono beelaha wada dega Jubooyinka, kaasoo la filayo in uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo, shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa si diiran usoo dhaweeyay dadaallada uu ra'isul wasaare C/weli ka wado magaalada Kismaayo, iyadoo dibadbax ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ay shacabku ku muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin arimaha dib u heshiisiineed ee ra'isul wasaaruhu ka wado Kismaayo.


.............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.