Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyooday toddoba kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo Al-shabaab ku dhexmaray maanta waddada u dhexeysa Daynuunaay iyo magaalada Baydhabo.
Mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda ayaa goobta lagu gubay, iyadoo dagaalka uu yimid kaddib markii xoogagga Al-sabaab ay waddada u dhexeysa Daynuunaay iyo Baydhabo u galeen gaadiid dagaal oo ay wateen cidanka dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ka dhinteen afar askari, halka xoogagga Al-shabaab ay iyaguna ka dhinteen afar kale, iyadoo isbitaalka Baydhabo maanta la keenay dhaawacyada askar ka tirsan kuwii dagaalka ka qaybgalay.
Goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa gudmad ahaan u gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaasoo halkaas kasoo qaaday dhimashadii ciidamadii dowladda iyo dhaawacyadii ka dhashay dagaalka.
Halka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay u jirtaa 12-km, iyadoo dagaalkan uu qayb ka yahay dagaallo xilliyo kala duwan ku dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.
Kooxda Al-shabaab ayaa waxay toddobadkan gudihisa xireen waddooyinka soo gala magaalada Baydhabo, waxay gubeen gaadiid iyo mootooyinka loo yaqaan Bajaaj-ta oo jaadka geeya meelo ka baxsan Baydhabo sida degmooyinka Buur-hakabo iyo Bardaale.
Hiiraan Online, Baydhabo