4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Dowladda Soomaaliya iyo WFP oo Heshiis Cusub kala Saxiixday (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo hay’adda WFP oo u qaabilsan Qaramada Midoobay dhinaca cunnada ayaa maanta heshiis cusub oo ku saabsan wada-shaqeynta labada dhinac ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi uu hoggaaminayo, Stefano Porretti oo ah wakiilka iyo agaasimaha hay’adda WFP u qaabilsan Soomaaliya, waxayna ka wada-hadleen arrimaha gar-gaarka iyo heshiis cusub oo dhexmara dowladda Soomaaliya iyo hay’adda WFP.

C/raxmaan Bayle ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay howlaha gargaar ee WFP ay ka fuliso Soomaaliya, wuxuuna codsaday  in hay’addu ay kaalin ka qaadato taakuleynta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada, degmooyinka iyo deegaannadii dhawaan laga saaray Al-shabaab oo baahi weyn u qaba gar-gaar dhanka cunnada iyo dawada ah.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga dooday, laguna falan-qeeyay dib u eegis lagu sameeyo heshiiska howlgalka hay’adda WFP ee Somalia, iyadoo WFP iyo dowladda Soomaaliya ay dib u kala saxiixdeen heshiis cusub.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay heshiis la saxiixatay hay’adda WFP sannadkii 1967-kii, waxaana la isla gartay iyadoo la tixraacayo wada-shaqeynta xooggan ee u dhaxeysa dowladda iyo WFP in dib loo saxiixdo heshiis cusub oo wax-tar iyo qiimo u leh dalka.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha waaxda ururrada adduunka ee wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Maxamed Cali Ali iyo saraakiil kale oo hay’adda WFP ka tirsan.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya