4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Maamulka Saddex Gobol oo Baydhabo kaga dhawaaqay Golahooda Wasiirrada

Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee sadexda gobol ee Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool ka kooban, Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 14-xubnood, kuwaasoo kasoo kala jeeda saddexda gobal uu ka kooban yahay  maamulkan.

Xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub ayaa kala ah:

1.   Ibraahim C/nuur Xasan, Wasirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose
2.   Sheekh Qaasim Ibraahim Nuur, Wasiirka amniga
3.   Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Maaliyada
4.   Adan Xasan Maxamed, Wasiirka Dekadaha, Badda iyo Gaadiidka
5.   Maxamed Cabdullaahi Mursal, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalimiga
6.   Nuur Sheekh Xuseen Caddow,  Wasiirka Waxbarashada
7.   Faaduma C/rahmaan Maxamed, Wasiirka Caafimaadka
8.   Maxamed M. Aadan (Mad-Murung), Wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska
9.   Sheekh Xasan Ibraahim (Lug-buur), Wasiir Gaadiidka Dhulka iyo Cirka
10. Adan Macallin Nuur, Wasiiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
11. Ismaaciil Mustafa Maxamed, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
12. Macallin Maxamuud Maxamed (Jiis), Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
13. Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake), Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
14. Xasan Isaaq Maxamed, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

Hiiraan Online, Baydhabo