4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Machadka ISOS oo Muqdisho ku qabtay Kulan ku Saabsan Xaalufinta Dhirta


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Shir-cilmiyeed looga hadlayay dhibaatada ay xaalufinta dhirta ku leedahay Soomaaliya oo ay ka qayb-galeen aqoon-yahanno Soomaaliyeed iyo wax-garad ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay machadka daraasaadka Soomaaliya ISOS, iyadoo dadkii ka qaybgalay oo dhan falan-qeeyeen dhibaatooyinka ay leedahay xaalufinta dhirta, saamaynta ka dhalanaysa iyo sida wax looga qaban karo.

Dr. Liibaan Xuseen oo ku hadlayay magaca machadka daraasaadka ee ISOS iyo jaamacadda Muqdisho ayaa tilmaamay in machadku yahay madal ay aqoonyahanku isku dhaafsadaan aqoonta, waayo-aragnimada iyo xogaha.

Shirkan oo lagu dhageystay qoraal-cilmiyeedyo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno Somali ah, iyadoo qoraal-cilmiyeedkiisa koowaad uu soo diyaariyay Prof. C/casiis Sh. Cabdi oo ah aqoon-yahan ku taqasusay cilmiga juqraafiga; qoraal-cilmiyeedka labaad oo cinwaankiisu ahaa - Saamayntadhaqaale xaalufinta dhirtu ku leedahay Soomaaliya; iyadoo warbixinno ku saabsan arrintan uu soo jeediyay Prof. Mahdi C/kariin oo cilmiga dhaqaalaha ku taqasusay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qoraal- cilmiyeedka saddexaad oo cinwaankiisu ahaa - Maxaa dhuxusha la shito lagu bedelan karaa? Ayaa waxaa isagana soo diyaariyay, Dr. Shariif Cismaan oo isaguna ka mid ah aqoon-yahannada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, qoraal-cilmiyeedka afaraad oo isagana cinwaankiisu ahaa: - Kaalinta bulshada kaga aaddan wax ka qabadka xaalufinta dhirta  ayaa waxaana shirk ka jeedisay, Faadumo Aadan oo aqoonyahannada Soomaaliyeed ka tirsan.

Aqoonyahannadii iyo wax-garadkii kasoo qayb-galay shir-cilmiyeedka waxay kasoo saareen shirkooda talo ahayd: "In xaalufinta dhirtu tahay dhibaato baaxad leh oo Soomaaliya haysata, una baahan in wax looga wada-qabto shacab iyo maamulba."

Guddoomiyaha machadka ISOS, Mustafa Cabdilaahi Fayruus oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in machadku qaban-qaabada shir-cilmiyeedkan soo waday dhowr bilood, laguna aadiyay maalinta dhirta adduunka oo sannad walba la qabto kuna beegan maanta oo ah 17-ka Abriil; wuxuuna sheegay in qoraal-cilmiyeedyada la soo bandhigay machadku faafin doono mar kala tifaftiro kaddib.

Machadka Institute for Somali Studies waa rug cilmiyeed ka tirsan Jaamacadda Muqdisho oo qabata cilmi-baarista ku saabsan Soomaaliya iyo guud ahaanba Geeska Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya