4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Maxkamad ka joojisay in laga booqdo Somaliland Website-yo baahiya Warar

Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex, ayaa shalay soo saaray amar ah in aanay shirkadaha Internetka bixiyaa inay xayiraan ama dalka gudihiisa laga galin Karin wararka Websit-yadda uu wargeysyada Haatuf iyo Somalilnadtimes ku leeyahay baraha internetka.

gudoomiyaha labadan wargeys ee Haatuf iyo Somalilandtimes Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa noo xaqiijiyey amarka ka soo baxay maxkamadda gobolka Hargeysa ee lagu xayirayo mareegaha Internetka ee Wargeysyada Haatuf (www.haatuf.net) iyo Somaliland Times (www.somalilandtimes.net) oo aan wararka laga galin wadanka gudihiisa.

Yuusuf Gaboobe ayaa sheegay in go’aankan loo gudbiyey shirkadaha bixiya adeega Internetka ee Somaliland ee kala ah Somtel, Telesom iyo African Online in gebi ahaan xayiraan in internet-kooda laga isticmaalo ama laga daalacdo mareegta (website) Internet-ka ee Haatuf, kadib markii ay hore Maxkamadda Gobolka Hargeysa u xayirtay wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, isla markaana ay ciidamada Bileysku xoog ugula wareegeen xarunta Haatuf Media Network.

Si kastaba ha ahaatee, ururada Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee u dooda xuquuqal insaanka iyo xoriyatul-qawlka ayaa cambaareeyay xadhiga lagula kacay wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, taas oo ay ku tilmaameen duulaan lagu qaaday xoriyatul-qawlka iyo Saxaafadda Madaxa Banaan, iyadoo horena ay xukuumadda Somaliland u xayirtay ilaa haddana ciidamada Bileysku u haystaan xaruntii Wargeyska Hubaal.

Talaabadan lagu xayirayo mareegaha internet ay ku leeyihiin wargeyska Haatuf ayaa noqonaya tii ugu horeysay ee shirkadaha adeega internetka bixiya lagu qasbo inay xayiraan, waxaanay Tallaabooyinkan ka hor imanaya Dastuurka Somaliland oo ku tilmaamaya xoriyatul-qawlka iyo madax banaanida Saxaafadda inay ka mid yihiin xoriyaatka aasaasiga ah ee Dastuurka Somaliland.

Hase yeeshee, illaa hadda go’aankaasi may fulin shirkadaha Internetka bixiyaa, walina mareegihii internetka ee Haatuf wuu shaqaynayaa, laakiin ilaa hadda ma kala cadda inay qaadan doonaan iyo in kale.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland