4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
DAAWO SAWIRRADA: Soomaali laga soo celiyay Kenya oo Muqdisho la keenay


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Qaybtii labaad Soomaali laga soo celiyay dalka Kenya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee lagu qabqabtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tirada dadka maanta la keenay ayaa ahayd 91-qof, kuwaasoo sheegay inay muddo laba toddobaad ah ay ku jireen xabsiyada magaalada Nairobi, ayna la kulmeen dhibaatooyin kala duwan. waxaana ka horreeyay 82-qof oo dib loogu soo celiyay Somalia toddobaad ka hor.

Diyaaradda sidday dadkan ayaa waxaa la socday dajiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Ameerika oo sheegay in dadkan ay ka mid ahaayeen kuwo Kenya ay go’aansatay inay dib ugu celiso Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa dadkan kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo madaxda waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo uu horkacayay madaxa waaxdan, Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Waxaan xabsi ku jiray in ka badan 11-maalmood, dhibaatooyin badan ayaana kala kulmay, waxaan ka mid ahaa dadkii laga soo qabtay xaafadda Islii, intii ay gacanta igu hayeen ciidamaduna waxaa la i geeyay shan xabsi oo kala duwan,” ayuu yiri oday ka mid ahaa dadkii maanta la keenay.

Sidoo kale, odaygan ayaa ugu baaqay Soomaalida inay dib ugu soo labataan dalkooda, ayna ka qaybqaataan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladdu dadaal badan ayay u gashay inaan dalkeenna maanta dib ugu soo laabanno, Alle ayaana uga mahadcelinayaa inaan maanta dalkeyga dib ugu soo laabtay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. Gaafoow oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen dad aan Kenya ku joogin wax sharci ah, sidaa daraadeedna intii la dhibaateyn lahaa ay dowladda Soomaaliya go’aansatay inay dalkooda kusoo celiso.

Xasbiyada dalka Kenya ayaa waxaa weli ku jira Soomaali la doonayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, iyadoo ay jiraan kuwo kale oo haysta kaararka qoxootiga oo ay dowladda Kenya sheegtay inay dib ugu celinayso xeryaha, halka kuwii ku lahaa dalkaas deggenaashahana la sii daayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya