4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Kulan Gaalkacyo ku dhexmaray Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Markii ugu horreysay waxaa kulan gaar ah maanta qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, waxaana kulanka labada dhinac uu ka dhacay aqalka madaxweyne C/weli Gaas u ka dagan yahay magaalada Gaalkacyo ee ku yaalla duleedka waqooyi.

Shirka labada madaxweyne ayaa lagu sheegay mid ahmiyad weyn u leh labada maamul, waxayna kawada hadleen xoojinta wada-shaqeynta xilligan u dhexeysa labada maamul.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa markii ay soo gaba-gabeeyeen waxaa shir jaraa’id wadajir ah u qabtay labada madaxweyne, iyagoo ka warbixiyay arrimaha ay kawada-hadleen.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) isla maraakana uu ku faraxsan yahay kulanka ay wada qaateen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA:

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay kulankooda kusoo qaateen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Puntland iyo Galmudug, ayna uga wada-shaqeyn lahaayeen labada maamul adkaynta ammaanka, kocoba dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa dhankiisa tilmaamay inay si qoto-dheer uga wada-hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay adkeynta nabadgalyada.

Ugu dambeyn, labada masuul ayaa si wadajir ah u sheegay in wixii farsamo ah ee ku saleysan sidii loo dhaqaajin lahaa arrimaha ay ka wada hadleen in loo saaray guddi ka shaqeeya oo hawsha halkaa kasii wada, isla markaana si dhaqso ah loo sameyn guddi howshan qabta.

Muddooyinkii ugu dambeeyay xiriirka u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland ayaa ahaa mid wanagsan, waxaana xusid mudan inuu yahay kulankii ugu horreeyay oo ay wada-qaatan labada madaxweyne.

Imaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya