4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Jawaari oo kulan la Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Talyaaniga


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigiisa ayaa kulan xalay kula qaatay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Kulanka oo ka dhacay hoteel ku dhow dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Rome ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo iyagu ka kala yimid gobollada kala duwan ee Talyaaniga iyadoo ugu horreynna ay ka hadleen xubnaha Jaaliyadda, kuwaasoo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay la kulmaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, danjire Muuse Xasan oo isaguna hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ugu horreyn ku ammaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga sida ay u soo dhaweeyaan isla markaana ay safaaradda ula shaqeeyaan si wanaagsan, isagoo dhanka kale ballan-qaaday inay safaaraddu ka shaqeyn doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dalkan ay kala kulmaan Soomaalida.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaguna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa u sharaxay halka ay mareyso xaaladda dalka iyo hormarradii ugu dambeeyey ee uu ku tallaabsaday baarlamaanka, waxaana uu dhanka kale ku boorriyay jaaliyaddaha dibadda ku dhaqan inay u istaagaan sidii dalkooda ay ugu soo laaban lahaayeen isla markaana dowladnimadooda uga shaqeyn lahaayeen.

Kulanka intii uu socday waxay jaaliyaddu su’aalo ku weydiiyeen gudoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa xildhibaannada ah, iyadoo su’aalahaasna ay ku qotomeen howlaha baarlamaanka waxyaabaha u qabsoomay, waxa horyaalla iyo qaabka uu noqon doono wadasha-qeynta baarlamaanka iyo xukuumadda iyadoo isla xisaabtanna uusan meesha ka marnayn.

Xildhibaannadii ka qaybgalay kulanka ayaa jaaliyadda uga jawaabay su’aalo dhowr ah, iyagoo tallooyin iyo bogaadin u jeediyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya