4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Wasiirro loo saaray wada-shaqaynta xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga

Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa looga hadlay amniga dalka, wada-shaqaynta xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah iyo safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magaalada Kismaayo.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo sheegay in goluhu hoosta ka xariiqay in howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM guulo laga gaaray.

“Ciidamada Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ayaa howlgallo is daba-joog ah ka wada Muqdisho si wax looga qabto kooxa u taagan qal-qal gelinta ammaanka caasimadda, iyagoona kasoo hooyay guulo waaweyn. Sidoo kale degmooyinkii laga saaray Al-shabaab noloshu caadi kusoo noqotay lana xoojiyay amnigooda,” ayuu yiri Ridwaan.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa hoosta ka xariiqay in wada shaqayn joogta ah ay yeeshaan dowladda iyo hay’adaha caalamiga si loo xoojiyo wax qabadka laamaha dowladda, dhabahana loogu xaaro sidii loo midayn lahaa arrimaha dib u dhiska dalka iyo gaarsiinta gar-gaarka bani’adimada.

“Golaha wasiirradu waxay magacaabeen guddi heer wasiir ah ka shaqeynaya sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah, waxaana guddigaasi kala yihiin: wasiiradda arrimaha dibadda, qorsheynta, arrimaha gudaha iyo cadaaladda, kuwaasoo soo diyaarin doona qaabkii ay u wada-shaqeyn lahaayeen xukuumadda iyo hay’adaha calaamiga ah,” ayuu mar kale yiri afhayeenka xukuumadda.

Ugu dambeyn, golaha ayaa ku baaqay in la tayeeyo ciidanka Qaranka si goboha ku haray gacanta Al-shabaab looga saaro, loona gaarsiin lahaa dadka adeegyada ay u baahan yihiin.

Golaha oo ka hadlay booqashadii ra’iisul wasaaraha xukuumadda, C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasoo ay ku tilmaameen mid muhiimad u leh dib u heshiisiinta dadka deegaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya