4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Dowladda Kenya oo dib ugu soo celinaysa Muqdisho Dad kale oo Soomaaliyeed

Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwii lagu qabqabtay howgalladii ay ciidamada Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in maanta dib loogu soo celiyo Muqdisho.

Dadkan oo tiradoodu tahay 92-qof ayaa waxay haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta, iyagoo noqonaya qaybtii labaad oo Kenya ay dib ugu soo celiso Soomaaliya tan iyo hoggaantii bishan oo ay howlgalladu billowdeen.

“Maanta waxaa lagu wadaa in Muqdisho la geeyo 92-qof oo ka mid ah Soomaalida aan sharciga lahayn ee ku noolaa Kenya, aniga ayaana horay u soo raacaya,” ayuu yiri danjire Maxamed Cali Ameerika.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay inay jiraan dad kale oo fara badan oo iyaguna la filayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, isagoo sheegay in dadkii sharciyada haystay iyo kuwii kale ee qoxootiga ahaa loo oglaaday in laga sii daayo xabsiyada.

“Dadka maanta dib loogu soo celinayo Muqdisho waxaa ku jira hooyooyin caruurtooda wata, dhallinyaro iyo waayeen, dhammaantoodna waxaa lagu qab-qabtay howlgallada, safaraadda ayaana ka shaqeysay in dalkooda lagu celiyo,” ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray.

Maxamed Cali Ameerika oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dalkeeda dib ugu celiso Soomaalida aan sharciga haysan ee ku noolaa Kenya, balse ay mar walba ka digayaan in la dhibaateeyo.

“Kenya haddii ay go’aansatay inay dalkeeda ka saarto dadka aan sharciga lahayn, innaga ka safaarad ahaan waxaan ka caawinaynaa shacabkeenna inaan dib ugu celinno dalkooda, sidoo kale waxaan u soo qaadnaa waxyaabaha ay uga baahan yihiin guryahooda, sida caruurtooda,” ayuu hadalkiisa ku daray danjiraha.

Xukuumadda Nairobi ayaa horay u sheegtay inay dalkeeda ka saarayso cid walba oo aan sharci lahayn, balse waxaa lagu eedeeyaa ciidamada ammaanka Kenya inay si toos ah u beegsadaa dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya