4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Casho u Sameeyay Xildhibaano Soomaali ah


Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa xaflad casho sharaf ah u sameeyay xarunta safaaradda Turkiga ee Soomaaliya xubno ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xafladda ayaa ahayd mid looga hadlay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya iyo xoojinta mashaariicda horumarinta ah ee Turkigu uu kawado Soomaaliya, iyadoo uu goobta ka sheegay danjire Turan inay sii wadayaan howlaha ay Soomaaliya ka wadaan.

Mudanayaashii ka qayb-galay kluanka ayaa waxaa ka mid ahaa: Aweys Cabdullaahi Ibraahim, Maxamed Nuuraani Bakar, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim, Yuusuf Dirir Cabdi, Axmed Cismaan Ibraahim iyo mudane Beekoos.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa xafladda, Maryan  Sheekh Cismaan oo ah la-taliye, xiriiriyaha Turkiga, Axmed Yuusuf Guuleed iyo C/qaadir Xuseen Xasan oo ka mid ah shaqaalaha Turkiga ee Soomaaliya.

Danjire Turan ayaa cashada kaddib aad ugu nuux-nuuxsaday dadaalka ay Turkigu ugu jiraan sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xaaladda ay ku sugan tahay iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha uu Turkigu ka wado Soomaaliya.

Xildhibaannadii cashada kasoo qaybgalay oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Tukriga gurmadka ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed xilli  xaalad adag uu dalku ku jiray, iyagoo kaalmada Turkiga ku tilmamaay gurmad taariikhi ah.

Dhamaan mas’uuliyiinta cashada ka qaybgalay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda Turkiga iyo Soomaaliya oo uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya