4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 17, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay Qab-qabashada Somalida Nairobi

Khamiis, Abriil 17, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa markii ugu horreysay ka hadlay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qabqabanayaan Somalida ku nool magaalada Nairobi.

Jawaari oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in qoraal ay u qoreen baarlamaanka dalka Kenya ay kaga dalbadeen inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo, isagoo xusay in qoraalkan ay ogeysiiyeen baarlamaanka calaamka.

“Kenya xaq ayay ku leedahay inay ka hortagto argagaxisada, balse waxaan innagu kasoo horjeednaa dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Nairobi, arrintaana warqad ku saabsan ayaan u qornay baarlamaanka Kenya,” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaas ku daray inuu xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya uga mahadcelinayo  dadaalkii ay sameeyeen markii Soomaalida la xirxiray.

“Innagu wadaan diidannahay waa in shacabka Soomaaliyeed ee magan-galyada u galay dalkaas la dhibaateeyo, taasina waxay ka horimaanaysa nidaamka calaamka u dagsan ee qoxootiga iyo magan-galyada,” ayuu yiri Jawaari.

Xukuumadda Kenya ayaa tan iyo bishan billowgeedii waxay wadeen howlgallo ay ku baadi-goobayaan waxay ugu yeereen argagaxisada iyo dadka aan sharciga lahayn ee ku nool Nairobi, iyadoo ciidamadu ay si gaar ah u beegsanayeen Soomaalida.

Hadalka guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay horay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha uga hadleen arrintan iyagoo sheegay inaysan u dulqaadanayn in shacabka Soomaaliyeed la dhibaateeyo.

Kenya ayaa waxay sheegtay in howgalladan ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu xoojiyo ammaanka magaalada Nairobi, halkaasoo sannadihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo, weerarro iyo dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya