4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Waxgarad cambaareeyay qabshadii ciidanka Somaliland ee Degmada Taleex


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah madax-dhaqameed Khaatumo ayaa cambaareeyey falkii ciidamada Somaliland ay ku qabsadeen qaybo ka mid ah bariga gobolka Sool, kaddib shir ay ku yeesheen magaalada Boocame oo 75-km u jirta magaalada ee gobolka Sool.

Waxgaradkan oo ay ka mid ahaayeen; Ugaas C/llaahi Ciise Nuur, Garaad C/salaan Xasan Maxamed, Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale ayaa ku tilmaamay qabsashada degmada Taleex iyo degaanno ku dhow-dhow inuu ahaa mid fool-xun, waxanay ugu baaqeen in ciidamadooda ay kala baxaan dhulkaas iyo kuwii ay horay u qabsadeen.

Sidoo kale, madax-dhaqameedka ayaa ku cel-celiyay inaanay marnaba ogolaan doonin kala go'a Soomaaliya ayna qayb ka yihiin Soomaali weyn.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay kaddib markii ciidamada Somaliland ay maanata dib uga baxeen qaar ka mid ah deegaannadii ay shalay qabsadeen oo degmada Taleex ay ka mid tahay.

Degmada Taleex ayaa ah xarunta maamulka Khaatumo State oo si weyn uga soo horjeeda gooni-isku-taagga Somaliland, iyadoo Somaliland uu sheegay in Taleex ay ka mid tahay deegaannada hoos-yimaada Somaliland.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool