4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Kulan lagu Taageeray Maamulka Shabelle State oo Muqdisho lagu Qabtay


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Kulan ay ka qayb-galeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Somalia, odayaal, ganacsato, salaadiin, nabaddoono, culummo, ururada bulshada, haween iyo dhallinyarro laguna taageerayay maamulka Shabelle State ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Xubnihii kulanka ka qaybgalay ayaa ayaa si weyn ugu hambalyeeyay maamulkan, iyagoo sheegay inay taageersan yihiin maamulka iyo hoggaankiisa, waxaana intii ay munaasabaddu socotay ka hadlay xildhibannadii kasoo qaybgalay, iyagoo goobta ka sheegay inay soo dhaweynayaan ayna raalli ka yihiin maamul-goboleedka Shabelle State, ayna garab-taagan yihiin.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in dastuurka dalka ay ku qoran tahay in shacbiga Soomaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka ay dhisan karaan maamul ay iyagu soo doorteen raallina ka yihiin, maamulkanna uu ka mid yahay kuwaas.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA:

Waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay soo dhaweynayaan dhismaha maamul-goboleydka Shabelle State, waxayna intaas ku dareen inuu yahay mid loo baahnaa, iyagoo ku boorriyay hoggaanka sare ee maamulkas inay si cadaalad ah ugu shaqeeyaan shacbiga deegaannada ay maamulaan ku nool, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo idleeyaan wixii ka dhiman dhismaha maamulka, sida golaha baarlamaanka, wasiirrada iyo maamullada deegaanka.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuukar Cabdi Cusmaan iyo ku xigeenkiisa, Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay taageerada iyo soo dhaweynta ay u fidiyeen xildhibaannada, wasiirrada iyo waxgaradka kulanka ka qaybgalay, waxayna intaas ku dareen in maamulku uu yahay mid si daacad ah ugu shaqeyn doona shacabka gobollada hoos-yimaada ku nool.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dar-dar-gelinno sidii loosoo saari lahaa kheyradka dabiiciga ah ee dalkeenna, si loo kobciyo dhaqalaha, horumarinta bulshada, dib u soo celinta nabadda iyo kala dambeynta,” ayay yiraahdeen Abuukar iyo Muxyadiin oo intaaas ku daray. “Waxaan xoogga saari doonnaa dib u heshiisiinta iyo hub-ka-dhigista malleeshiyooyinka si shacbiga ay ugu talaabsadaan nabad waarta horumar iyo aayatiin wacan.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxay kaloo sheegee inay gacmo furan kusoo dhaweyn doonaan ayna dib u dajin u sameyn doonaan shacabka ku dac-darreysan dalka Kenya si nolol farxad leh ugu noolaadaan. Iyagoo intaas ku daray inay gacamo-furan kusoo dhaweyn doonaan ganacsatada doonaysa inay maal-gashadaan gobollada ay maamulaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya