4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Askar ka tirsan Ciidamada Milateriga Somalia oo Maanta Xukunno lagu riday

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka ayaa ku xukuntay min saddex sano oo xabsi ciidan ah, afar askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasoo lagu helay inay dhac u geysteen dad rayid ah.

Askarta xukunnada lagu riday ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen: xiddigle C/kariin Cali Maxamed oo 22-jir ah, dable Caamir Ciid Abuukar oo 22-jir ah, dable Xasan Cali Xasan oo 26-jir ah iyo alifle Muxyadiin Ismaaciil Xuseen oo 25-jir ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. Liibaan Cali Yaroow oo xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askarta lasoo eedeeyay ay ku heleen dambiyadii lagu soo oogay oo ahaa dhac ay u geysteen dad shacab ah.

“Maxkamaddu markay dhageysatay eedda uu soo gudbiyay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida, markay dhageysatay markhaatiyaashii la hor-keennay maxkamadda maxkamaddu waxay go’aansatay inay eedeysanayaashan ku xukunto min saddex sano oo xabsi ciidan ah, waxaana lala wareegay qoriyihii lagu soo qabtay oo AK-47 ah,” ayuu yiri Col. Liibaan Yaroow.

Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa intaas ku daray in cid walba oo xukunka aan ogoleyn uu u furan yahay rafcaan. Isagoo intaas ku daray inay ka go’an tahay maxkamadda inay sharciga marsiiso askari walba oo dhac shacab lagu soo eedeeyo.

Askartan maanta ay xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, halkaasoo ay ku sugnaayeen, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo maxkamaddu xukunno ku ridday askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka ayaa xukunno xabsi iyo dil ah horay ugu ridday ciidammo ka tirsan milateriga iyo booliiska Soomaaliya, iyadoo askartaa qaarkood lagu fuliyay xukunno dil ah oo maxkamaddu ku ridday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya