4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Ra’iisul wasaaraha oo Maanta booqday garoonka Madhamaato (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo magaalada Kismaayo ku sugan ayaa maanta booqday garoonka Madhamaado oo ku yaal duleedka magaalada Kismaay halkaasoo uu tababar uga socday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku jiraan qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee shalay lasoo xareeyay.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa uga warbixiyay wafdiga raysul wasaaraha ciidamada uu tababarka uga socdo duleedka magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada Booliska, nabadsugidda iyo ciidamada kale ee Militariga.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay ciidamadii goobta ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay dadaalkooda, isagoo ku booriyay in ay dadkooda iyo dalkooda ay ka difaacaan cadowga islamarkaana ay kazoo baxaan waajibaadkooda ciidanimo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaasi kadib ayuu raysul wasaaruhu booqday xarunta Jaamacadda Kismaayo, wuxuuna halkaasi kula kulmay ciiadmadii ku sugnaa goobweyn ee shalay lasoo xareeyay.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadani ay qeyb ka yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ee Al-shabaab kula dagaalamay Jubooyinka, balse waxa uu sheegay in ay banaanka ugu maqnaayeen xurguf siyaasadeed awgeed, wuxuuna guul ku tilmaamay soo laabashadooda.

Ra’iisul wasaare C/weli oo goobta ka hadlay ayaa ku amaanay ciidamadani go’aanka ay qaateen oo ah in ay dib usoo laabtaan, isagoo sheegay in mudo yar kadib ay ciidamadani ku biiri doonaan ciidamada kale ee xoogga dalka Soomaaliya.

“Waxaad difaaci doontaan dalkiina, iyadoo aad ka barbar dagaalami doontaan walaalaheen nooga soo gurmaday dalalka aan walaalaha nahay ee AMISOM oo hortiina taagan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Inkastoo ay soo xaroodeen qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Goobweyn, ayaa waxa weli halkaasi ku sugan COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo ciidamo kale, kuwaasoo aan weli soo xaroon.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya