4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Wasiirka Afrika ee Britain oo la Kulmay Madaxweyne Siilaanyo (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee Afrika, Mark Simmons, kaasoo ay ka wada hadleen xurgufta ka dhexeysa Somaliland iyo Puntland, xayiraadii Ingiriisku ku soo rogtay muwaadiniinteedda inay tagaan Somaliland iyo caawimadda Somaliland ay siiso  oo ay sheegtay inay kor u qaadayso.

Wasiirka Afrika u qaanbilsan Ingiriiska iyo wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo markii ay kulanka dhamaysteen warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii nabad loogu xalin lahaa Deegaanadda Teleex ee dagaalku shalay ka dhacay iyo shir caalam ah oo lagu maalgalinayo Somaliland oo ingiriiska loogu qabanayo.

“Waxaan ka wada-hadalnay cilaaqaadka labada Wadan ,Cilaaqaadkaas oo ah cilaaqaad Taariikhi ah aadna u xoogweyn,waxaanu ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha xaga horumarka,xaga nabad galyada,waxaanu ka wada hadalnay arrimaha ku lugleh shirka aanu qaban doono ee ingiriiska lagu qabanayo ee kulug leh maalinta Somaliland oo aad iyo aad muhiim ugu ah dadka reer Somaliland”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibada Somaliand Maxmaed Biixi Yoonis.

“Waxaanu aad iyo aad aanu ugu faraxsanahay in maanta uu wasiirku ku dhawaaqay in cuna qabatayntii xaga safarka ee aanu muddada badan aanu ka hadlaynay ee aanu waydiisanay dawlada in ay ogaadaan in aanu dal nabada aanu nahay,dal xasiloon aanu nahay oo ay naga qaadeen gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, wasiir Afrika u qaabilsan Ingiriiska Mr: Mr:Mark Simmonds ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay arrimahooda ku dhameeyaan nabad, isla markaana aanu dagaal xal ahayn.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay caawimada ay Somaliland siiyaan iyo sidda ay u doonay inay wax badan kala qabtaan xaga horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Somaliland.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland