4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Maxkamadda G. Nugaal oo amartay in dib loo celiyo 53 qof oo tahriibeyaal ah

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) —
Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta amar ku bixisay in dib halkii ka yimaadeen loogu celiyo in ka badan 50 qof oo tahriibayaal ah.

Tahriibayaasha oo u dhashay dalka Itoobiya, waxaa shalay degmada Dangorayo ku qabtay ciidamada ammaanka ee gobolka Nugaal, xilli ay doonayeen inay usoo gudbaan dhanka gobolka Bari, si ay uga tallaabaan Badda Cas.

Go’aanka maxkamadda waxaa loo sababeeyey xaallada ammaanka iyo weliba in dadkaas aan muddo xabsiga lagu hayn karin, madaama uusan jirin wax dembi ah oo ay ku eedeysan yihiin.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Nugaal Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa sheegay in sidoo kale maalinta Sabtida ah maxkamadda la horkeeni doono saddex dareewal oo wadey gawaaridii ay tahriibeyaashaasi ku safrayeen.

Qulqulka dadka tahriib doonka ah ee ka imaanaya dhanka Itoobiya ayaa si aad ah kor ugu kaca sannad kasta marka uu xilliga Ramadaanku soo dhowaado. Ramadaanka waxaa fudud in laga tallaabo xadka u dhexeeya Sucuudiga iyo Yemen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya