4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
MADAXWEYNE XASAN: "Khilaafka Taleex waa in Wadahadal lagu dhameeyaa”

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si nabad ah lagu raadiyo khilaafka ka taagan degmada Taleex ee gobolka Sool.

“Wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn waa in lagu dhameeyaa khilaafka ka taagan Taleex. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhammaan dhinacyada ay quseyso kala shaqeeyso xal u helidda khilaafka oo aan shacabka u naxno una horseedno dib u heshiisiin waarta oo soo afjarta khilaafaadka soo jireenka ah ee degaankaas ka jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka walaacsan xaaladda kasoo cusboonaatay magaalada Taleex, isagoo sheegay in laga soo daalay khilaaf iyo dagaallo aan loo baahanayn, lagana wada shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay khilaafkooda iyo kala aragti duwanaanshahooda loogu dhameyn lahaa wadahadal iyo nabad.

“Soomaalidu waxey leedahay dhaqan soo jireen ah oo geedka hoostiisa lagu dhameyn jiray waxii khilaaf ah ee jira,” ayuu madaxweynaha Somalia mar kale ku yiri hadal uu soo saaray maanta.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Aad iyo aad bay noo dhibeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si aan micno lahayn. Xaaladda waa in la dejiyaa oo lagu soo celiyaa ugu yaraan sidii ay ahayd maalmo ka hor inta aysan collaadaha cusub billaaban si wadahalka iyo nabadeynta fursad loo siiyo. Siyaasadda dowladda ayaa ah in dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, lana soo celyaa sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taasna waxay ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada bisayl siyaasadeed, isku dulqaadasho iyo is-tixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta amniga muwaadinka.”

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay la wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool ciidamada Somaliland, inkastoo ay maanta dib uga baxeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya