4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Kulanka Baarlamaanka oo Maalintii Saddexaad Kooram la’aan u baaqday

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Kulankii baarlamaanka Somalia ayaa markii saddexaad koorar la’aan u qabsoomi waayay maanta oo Arbaco ah, kaddib markii ay imaan waayeen xildhibaanno fara badan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa ka hor sheegay tiro xildhibaanno ah oo maanta soo xaadiray kulanka in maalintii saddexaad uu dhameystirmi waayay kooramkii la rabay inuu ku furmo kulanka baarlamaanka Soomaaliya.

"Maanta waa maalintii saddexaad oo baarlamaanka kooram la'aan uu kulankiisii u furmi waayay. Ajandayaal badan oo xasaasi ah ayaa noo yaalla, saddex wasiir ayaa loo yeeray way yimaadeen, sida wasiirka arrimaha gudaha, kan amniga iyo wasiirka Dekedaha," ayuu yiri Iikar.

Sidoo kale, Jeylaani ayaa xusay inay og-yihiin xildhibaannada baarlamaanka ee joogta Muqdisho, kuwa fasax ku maqan iyo kuwa howsha ku maqan, wuxuuna ugu baaqay guddiga anshaxa baarlamaanka inay tallaabo ka qaadaan xildhibaannada aan soo xaadirin fadhiyada baarlamaanka ee Muqdisho ku sugan.

Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir ayaa ku eedeysay xildhibaannada xil gudasho la'aan, iyadoo nasiib-darro ku tilmaamtay in maalintii saddexaad uu fadhiga baarlamaanka u furmi waayo kooram la'aan.

"Maalin kasta kulankii baarlamaanku wuu baaqday in la dhaho baarlamaanka ceeb ayay ku tahay, waa in kooramka la buuxiyaa waa in dalka loo shaqeeyaa, waa arkaysaan dhibaatada dalka ka jirta, haddaad seexataan yaa dalka waa u qabanaya, aniga guddoonka baarlamaanka waxaa leeyahay waa in waajibkiisa la mariyaa xildhibaankii maqnaada," ayay tiri xildhibaanad Seynab.

Guddoonka baarlamaanka ayaa dhawaan u yeeray wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka iyo kan amniga, si wax looga weydiiyo xaaladaha dalka ka jira, iyadoo lagu waday in xildhibaannada iyo wasiirradaas ay doodi dhex-marto.

Dib u dhaca maalintii saddexaad ku yimid kulankii baarlamaanka ayaa iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay dalka Talyaaniga ku joogaan safar shaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya