4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Shirkii sannadlaha ahaa ee horumarinta G. Bari oo lasoo gaba gabeeyey

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo maamulka gobolka Bari.

Kulankan oo ah mid sanadle ah oo sannad kasta ay isugu yimaadaan maamullada degmooyinka iyo maamulka guud ee gobolka, waxaa layskula soo qaaday arrimo dhowr ah.

Guddoomiyaha gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan oo markii uu kulankaasi soo gabagaboobay kaddib warbaahinta shir-jaraa’id u qabtay, ayaa ka warbixiyey arrimihii ugu muhiimsanaa ee sannadkan miiska saarnaa.

Wuxuuna sheegay in horumarinta degmooyinka iyo qiimeynta baahiyaha ugu waaweyn ee gobolku uu qabaa ay ahaayeen arrimaha ugu muhiimsan ee sannadkan laga wadhalay.

Gallan ayaa intaas raaciyey in la qorsheeyey barnaamijyo horumarineed oo lagu tayeynayo maamullada degmooyinka gobolka Bari, laguna dardargelinayo adeegyada bulshada.

Gobolka Bari oo ah kan ugu dadka badan dhammaan gobollada Puntland, wuxuu ka kooban yahay 5 degmo oo kala ah: Boosaaso, Carmo, Ufeyn, Isku-shuban iyo Qandala.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya