4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Tababarayaal Yugaandheys ah oo lagu eedeeyay inay tababareen Al-shabaab


Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay tababar siiyeen 10 ruux oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo isticmaalaya darajooda ciidan.

Jackson Byabagambi oo ah dacwad ooge ka sheegay in Maxkamadda milateriga guud ee Makindye oo ku taalla duleedka Kampala Salaasadii shalay in 10-ka tirsan xoogagga Al-shabaab ay tababarayaal AMISOM ka tirsan ay ku tababareen xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho bishii May ee sannadkii hore.

Maj. Frank Kawero iyo Xasan Wantimba oo labaduba tababarayaal ka ah xeradaas ayaa maxkamad loo soo taagay arrintan, iyadoo lagu eedeeyay inay si bareer ah xeradaas ku keeneen xoogag Al-shabaab ka tirsan si ay uga qayb-galaan tababar halkaas ka socday.

Byabagambi ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ay joojiyeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab inay tababarka qaataan, maadaama aan la aqoon, isla markaana aysan ka mid ahayn ciidamada la qorsheeyay inay tababarka qaataan.

"Watimba iyo Kawero ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada waxayna u sheegeen inay tababarka wadi doonaan uusanna jirin wax wal-wal ah oo xoogaggaas laga qabi karo," ayuu yiri Byabagambi. Sidoo kale, markhaati ayaa sheegay in markii ay raggan tababarka qaabteen la siiyay tababarayaasha lacag.

Markhaatiga ayaa hadalkiisa ku daray in ka hor inta xubnahan aysan qayb ka ah ahayn ciidamada tababarka lagu siinayay xerada, balse Watimba uu sheegay in loo diyaariyay raggan inay tababarka qayb ka qaataan, taasoo ay saraakiishu aqbaleen.

Xerada Jasiira oo lagu tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa madax ka ah sarkaal Itoobiyaan ah, wuxuuna tababarkan dhacay xilli uu sarkaalkaas fasax ku maqnaa, iyadoo labadan tababare ay ahaayeen ku xigeenka sarkaalka Itoobiyaanka ah.

Arrintan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa dacwooyin horay loogu soo oogay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan, kuwaasoo lagu eedeeyyay inay hub siiyeen Al-shabaab, halka kuwo kalena lagu eedeeyay inay iibsadeen raashinkii AMISOM loogu talo-galay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya