4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2014
Obama oo Bisha Shanaad Aqalka Cad kula kulmaya Madaxweynaha Jabuuti

Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in bisha danbe uu la kulmo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ,iyadoo ay ka wada hadli doonaan  arimo muhiim ah oo ku aadan xiriirka labada dhinac.

"Waxaa ay labada masuul si rasmi ah uga wada xaajoon doonaan arimo kala duwan oo ah danaha labada dowladood ah  sida la dagaallanka argagaxisada" ayuu yiri afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka Jay Carney oo arintan ka hadlayay.

Kulankan oo dhici doona shanta bisha shanaad ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Jabuuti uu si gaar ah uga hadlo kaalinta dowladdiisa ee horumarinta hanaanka nabadeed ee geeska Afrika oo falalka xag-jirnimada ah  ay ku soo badanayeen baryihii la soo dhaafay.

"Arimaha kale ee laga wada  hadli doona waxaa ku jira sidii Jabuuti looga taageeri lahaa dhinaca horumarinta caalamiga ah gaar ahaan ganacsiga iyo tamarta "ayuu hadalkiisa ku daray Carney oo Jabuuti ku ammaanay dadaalka ay kaga soo horjeedaan argagaxisada.

Dowladda Maraykanka ayaa ku leh  Jabuuti xarunta ugu weyn geeska Afrika ee qaabilsan la dagaalanka argagaxisada Soomaaliya iyo Yemen,waxaana inta badan laga hagaa weerarada ay fuliyaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Drons-ka lo yaqaan.

Ugu danbayntii dowladda Jabuuti oo xiriir wanaagsan la leh dowladda Maraykanka ayaa  lagu wadaa in taageero dheeri ah lagu siiyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]